Deg Deg::Warbixin Kenya Oo Somaliland U Aragtay Jaanis Ay Ku Heli karto Badda Soomaaliya

Wararka Soo baxaya Ayaa sheegaya in Golaha wasiirada ee Xukumada kenya, ay Dood ka leeyihiin wax u eeg aqoonsi ay siiyaan Maamul beeleedka Somaliland.

Kenya, oo Isha ku haysa Siyaasadda Baryahan Ku foorarta Hargaysa, ee Udhaxaysa Dalalka Masar,Itoobiya,Taywan iyo Jeyna, ayaa iyana doonasa inay Buuqaas kusoo biirto islamarkaana shaaciso inay siinayso Aqoonsi wax u eeg Maamulka Somaliland,

Dawlada Kenya, oo Dagaal kula jirta Xukumada Madaxweyne Farmaajo, ayaa qorshaha ugu weyn ee ay ku doonayso inay ku soo faro galiso arrimaha soomaliland, islamarkaana ugu Hanjabto Dawlada soomaaliya inay aqoonsanaso somaliland ayaa salka ku haysa arrinta Badda

Kenya waxay doonasa inay ugu caga juglayso Xukumada soomaaliya Aqoonsi Somaliland ay siiso hadii kale Kiiska Badda Loo Dhigo sida ay Iyadu rabto oo ah in Laga saaro Maxkamada,

Wararka hada Soo baxaya ee ah in Golaha Xukumada Kenya, ay Ka shirayan Aqoonsi lasiiyo Somaliland, Ayaa ah Hal Ujeedo.

Taaso ah In Madaxweynaha Kenya amray in Wasiirada kenya ka doodan Aqoonsiga somaliland, kadib marka ay suuqa gasho Dooda Golaha wasiirada Kenya, ee aqoonsiga somaliland, in Nairobi lagu Marti galiyo Muuse Biixi Si loo siinaaxiyo Hanjabada Dawlada soomaaliya loogu Hanjabaayo inay Kiiska Badda Ka leexiso dhabada uu hada ku taagan yahay hadii kale ay aqoonsan doonan Somaliland

Ujeedku waa In kenya tusto caalamka iyo Somaliyaba sawir ah inay Xidhidih Sabab u noqon kara aqoonsi Somaliland hesho la samayan taaso qorshaha ay ka leedahay Kenya, tahay in xukuamda soomaaliya isku dhiibto kadibna laga saaro Maxkamadda Arrinta Badda,

Kenya ayaa ku dhiiratay xidhiidhka Somaliland, kadib markii ay aragtay Dawlada Masar oo Farmaajo ka diiday Saldhig inuu kasiiyo Soomaaliya hadana Hargaysa udirtay Wefti taaso ah gacan dhaaf iyo Xadgudub weyn oo Masar ku kacday.

Sidoo kale waxaa ay kenya, aragtay Itoobiya oo si joogta ah ula shaqeenasa Hargaysa,Waxaa kale oo dhiiri galiyay Kenya, Wufudda Taywan iyo Jeyna ee Hargays,a ku Qulqulaya waxayna Markan Kenya u aragta inay tahay Hargaysa, meesha kaliye ay ka Gujeen Karto arrinta Badda,

Khaatumo News