Shirka maanta wajisiiga labaad ka furmaayo Dhuusamareeb ayaa aad shacabka soomaaliyeed isha ugu hayaan waxa ka soo bxii doona,

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Madasha Shirka ee Dhuusamareeb hore waxaa u joogay maamulada dalka ina badan waxaana hada kusoo biiray madaxwyen Farmaajo.

Beesha caalamka iyo Soomaali oodhan shirkan isha Ayay ku hayan laakiinse waxaa la saadalinaya in sadex qodob mid uun uu fooda galiyo shirkani.

1. In laysla qaato go’aankii Maamul goboleedada oo doorasho dadban la aado.

2. In Aragtida Farmaajo iyo Xaliimo Yareey la qaato oo ah wakhti kordhin.

3. In lagu kala kaco oo shirku fashilmo.

Waxayna u dhaw dahay in aragtida Maamul goboleedada la qaato oo doorasho Dadban la aado bilo yarna lagu daro oo hawluhu codsan karaan sidii Xasan Shiikh Maxamuud.

Ama in lagu kala tago shirka, waxaanu kolkaas dalku gelayaa mar xalad khatarteeda leh, oo aanay Baarlamaan iyo xukuumad wakhtigoodii dhammaaday sharciyad isa siin karin, xilna isu kordhin karin, maalinta wakhtiga Baarlamaanku dhammaado haddaan xubnihii cusbaa diyaar ahayn khatar ayaa dhalanaysa.

Waxaanse marnaba suurta gal ahayn aragtida odhanaysa in doorasho qof iyo cod ah dalka laga qabto, si taas loo gaadhana muddo labo sano ah halagu daro, aragtidaas oo ay qabaan Farmaajiyiintu, qabyona sideedaba nin kalaa dhamaystira.

Nabad iy0 Nolol afar sano oo fursad ah ayey haysatay wayna ku fashilmeen in ay dalka u diyaariyaan doorasho qof iyo cod ah, sharci bilihii ugu danbeeyey la saxeexay looguma kordhin karo wakhti ay iyagu hore isaga lumiyeen,

sharciga doorashada ee hadda wali wax badan ayaa ka dhiman, xukuumadda soo socotaa ha dhamaystirto dalkana doorasho qof iyo cod ah haw diyaariso, haddana doorasho dadban hala galo, haddii uu doono Farmaajo ha soo noqdo, waddadaas waa waddada kaliya ee xilligan arrimaha siyaasadda lagu furdaamin karo siday ila tahay.