Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya Ee Jabuuti Nin Ragi Garay Nacasna Loo Sheegi Maayo

Wadahadalka Maalinta Bari Ah Lagu wado in uu ka furmo Jabuuti ee udhexeeya maamulka somaliland iyo Dawlada Fadaraalka soomaaliya ninkii waxgarad Ahi waa og yahay meeshu ku dhamaan doono maangaabse garan maayo,

Beesha Somaliland ee u hogaaminaayo Muuse Biixi mudo 30 sano ku dhow Ayay ku maqan tahay cadho Ay ka qaaday Dawladi Siyaad Barre iyo Nacayb Daarood,

30-ka sano ee isaaq ku maqan yahay Cadhada kuna dhawaaqen gooni goosadka Koonfur ta soomaaliya kamaysan hirgalin dawlad awood leh oo isaaq ku sababta inay usoo hilooban Dalkii soomaaliya ee ay kamid ka Ahaayen,

Iyado xalku saas yahay Isaaq go aankiisa masiiriga ah Muuse Biixi ma jari karo oo kuma dari karo Xamar,

Sido kale Go aanka masiiriga ah ee Soomaaliyana Farmaajo ma goyn karo oo isaaq uma aqoonsan karo Dal Madax banaan.

Wadahadalkan jabuuti ee Abiy Axmed iyo Ismacil cumar geelle iyo Beesha caalamku wadan waxaa xaqiiq ah inuu ku dhamaan doono fashil islamarkaana laga yeelan doono balamo kale sidi kuwii horaba u fashilmen kadibna balamo aan lahayn wakhti looga yeeshay,

Wadahadalkan Somaliland iyo Somaliya waxaa hore 2012 u bilaabay Siilaanyo iyo Sheekh Shariif ilaa xasan Sheekh ilaa Farmaajo oo mudo xileedkuusu sii dhamaanaayo Ayaa isna markiisa Isku sawiri doona.

Wadahadlkan waxaa xaqiiq ah in Arrimaha masiiriga Ah ee Xamar iyo Hargaysa aysan goyn karin xukumado ay kala watan Farmaajo iyo Muuse Bixii oo maan-dheedkoodu yahay 5 sano.

Markan saas ku leeyahay Isaaq Dhamaantii Isagoo midaysan ayuu Go aansaday inay Dagaal lagalan Dawladii Siyaad Barre naf iyo maalba wey ku waayen suuro galma tahay go aankaasi waxaa badeli kara Muuse Biix, oo kaliya?

Suuro Gal ma tahay Axdi 60 sano jirsaday waa Markii Xoriyadda somaliya qaadate inuu Farmaajo Jabin karo oo isaaq u aqoonsan karo Dal,

Waa maya Sida Saxda Ah.

Isaaqna Farmaajo aqoonsan maayo Iyana xamar yeeli maayan,

Wadahadalka Hawiye iyo Isaaq ku heshiin waayen ma kula tahay in Daarood iyo Isaaq inay ku heshiin karan sababto ah Isaaq halkaas waxaa geeyay colaad Daarood.

Hawiye iyo Isaaqna waxay ahaayen kuwii kuwada socday Duminta Xukumadii Siyaad Barre oo daarood loo aanenaayay, marka iyadoo maanta isla dawladii Soomaaliya daarood ka yahay madax seebay rajo uga sugan dadka qaarkii wadahadal.

Xasan Sheekh.iyo Sheekh Shariif oo Hawiye ah Ayaa isaaq ku qancin waayay inay ka tanaasulan Go aanka Somali diidnimada ah.ma Farmaajo daarood ah oo waliba ah Siyaad barre inadeerkiis ayay uga tanaasulayan oo ku soo calin kara xayn Daabka somaliweyn Isaaq ?!

Kaliya wadahadalkan waxaa lagu badilay Deegaanada SSC iyadoo masiirka deegaanka SSC loodaba fadhistay Muuse Biixi oo waliba Farmaajo Ku bahdilay Deeganada SSC isagoo raali galinaya Ama aaminsan mala in uu isaaq ku soo calin karo xayn Daabka somaliya,

Wadahadalkii Xukumadii Xasan Sheekh iyo Somaliland-tii marka uu hogaaminayay Siilaanyo ee Dalka Turkiga ka dhacay intan laba galin Arrimaha somaliland, buuqa ugu weyn wuxuu ka dhashay ee la isku fahmi wayay ergada Xukumada Xasan Sheekh ee la fadhiisanasa Somaliland oo uu badnaa Dhulbahante iyo warsangali, iyado arrinka ay ka cadhooden Maamulka isaaq sababto ah waxayba ku doodayan dadkan waa reer Soamliland, ee xasan Sheekhow keen Reer koonfur aanu lahadalno taas xasan Sheekh, waa diiday laakin maanta farmaaja yeelay oo miiska beesha caalamka hortiisa maanta waxaa ka furmaya waji kale oo lagu xabaalay Masiirkii SSC ee Waqooyi,

Cartan Darwiish