Deg Deg Daawo:100 Qof Oo 24 Saac ugu Danbeeyay Muqdisho U Dhintay Covid 19.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay ku dhowaad 100-qof Coronavirus ugu geeriyootay magaalada Muqdisho.

‘Ilo Xog-ogaal ah ayaa ii xaqiijiyeen in ku dhowaad 100 ruux ay shalay iyo xalay magaalada Muqdisho ku geeriyoodeen. Dadka intooda badan waxay u dhinteen Fayriska (COVID-19).

Sagaal ka mid dadkaas, oo aan qaarkood aqaano waxay ku geeriyoodeen Isbitaalka Martiini, ka dib markii ay korontadii ka tagtay, mashiinadii ogsijiinka siinayey na ay istaageen. Masuuliyad dari iyo tacadi ka wayn ma jiro in dawladu ay matoor kayd ah Cusbitalka gayn wayso.

xaalada Karoona Fayris way ka sii daraysaa, dawlad dadka wax taraysana ma jirto ee isku tashada. Maadama awood lagula tacaalo Fayriska aysan jirin, intii la kari karayna laga gaabiyey, waxaa qasab ah in aan ku dadaalno ka hortagiisa oo aan qaadano talooyinka dhakhaatiirta. Waxaa na la ka doonayaa talo saarasho Eebe oo taxadar lagu daray.

Qabri-Qode Cali Maxamad wuxuu muuq baahiyaha Shabeele u sheegay in uu maalintii aaso mayd u dhexeeya 30 ilaa 40. Waa hal xabaalo oo ka mid xabaalaha Muqdisho.

https://www.facebook.com/AAbdishakur/videos/919194141834347/