Deg Deg::Garoowe iyo Xamar Oo Isku haysta Masiirka SSC Iyo Shir ka Furmay Duleedka Garoowe,

Deegaanka Ex Garaca Lagu Dhal Ee Hada Loo Yaqaan ( Hadh-wanaag ) Ee Gobolka Sool Waxaa hada ka furmay Shir weyne ay isagu Yimaadeen Odayaasha Waxgaradka Siyaasiyinta ka soo jeeda Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn.

Ujeedka Shirka Ayaa Daaran Halka Lagu Soo Dooran Lahaa Xildhibaanada Dowlada Federaalka Soomaaliya Ee Ka Soo Jeeda Gobolada SSC.

Halka Dowlada Federaalka Soomaaliya Wado In Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho Lagu doorto Xildhibaanada Deegaanadaas.

Laakiin Se Siyaasiyiin Xilka Ka Haya Puntland Ama Taageera Siyaasada Puntland Olole Ugu Jiraan Sidii Caasimada Puntland Ee Garoowe Loogu Qaban Lahaa Doorashada Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Deegaanada SSC Ee Dowlada Federaalka Soomaaliya 2020 Ilaa 2021.

Siyaasada Xamar iyo Garoowe oo labaduba aan wax dan ah u hayn umada SSC ayaa danta kaliye ka leeyihiin u kala orodka XIldhibaanada SSC ayaa ah sidii Puntlnd xubnahan ay ugu dagaalami Lahayd in Garoowe Lagu Doorto say dagaalka doorashada 2021, ugu gasho Halka Kooxda Xamarna u ordayan in xubnahan lagu doorto Xamar say dagaalka doorashada ugu galan,

 44 total views,  2 views today