Deg Deg Daawo::Sarkaal Jubaland kamid Ah Oo Kashifay xidhiidh Fahad Yaasin iyo Farmaajo La sameeyen Si loo Inqilaabo Axmed Madoobe,

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Degmadda Afmadow ee gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegay in uu fashiliyey khayaano iyo laaluush ay ka danbeeyeen Madaxda ugu sarreysa DFS iyo saraakiisha sare ee hay’adda Nabadsugidda dalka ee NISA.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Taliyaha ayaa sheegay in lacag caddaan ah loo soo direy, lagana ballanqaaday lacag doolarka Mareykanka oo kor u dhaafeysa malaayiin doolar iyo waliba deeganaansho dalka Turkiga haddii uu fuliyo dalabaadka DFS oo ay ugu horreyso in uu Ciidamada Daraawiishta ee Jubbaland ee aagga Afdmadow hoosgeeyo kuwa DFS.

Taliyaha ayaa warbixinta uu rin uga hadlaayo laga baahiyy Jubaland TV ku shaaciyey in 10kii Maarso 2020 loo soo direy lacag laaluush ah oo dhan $80,000 USD (halkan riix oo arag riciitka lacagta), loogana soo diray Villa Somalia si uu u fuliyo dalabka Villa Somalia iyo saraakiisha hay’adda NISA, ahaana in Daraawiishta uu taliyaha ka yahay ee aaga Afmadow ay ku biiraan ciidamada DFS, kana qaybgalaan weerar lagu qaadi doono, lagulana wareegi doono magaaladda Kismaayo.

 46 total views,  1 views today