Daawo:Siyaasi Kenyan Ah Oo yidhi”Xalka kaliye Aan Haysano Waa In Farmaajo Meesha laga saaro”

Kani Waa mid kamid ah Siyaasiyiinta Dalka Kenya Mar uu ka hadlaayay xiisada Dalalka soomaaliya iyo kenya wuxuu sheegay in xalka kaliya ee aan haysanno hadaan nahay kenya ay tahay in Madaxweyne Farmaajo meesha laga saaro. “Waxan haystaa 93 xildhibaan oo, waagi la qorayay, anigu foomamka u buuxiyay” ayuu leeyahay.

Waxu ku daray “Hadda waxan u baahannahay 120 xildhibaan kaliye”.

Mar kale isagoo Ka hadlaya Ciidamada Cirka ee Dawlada Turkigu uu Tababarayso soomaaliya ayuu yidhi“Turkey waxay si qarsoodi ah Soomaaliya ugu tababaraysaa 1000 bayloot” Waxuu is waydiiyay “Bal yaa Afrikaan ah oo haysta 1000 bayloot? waxay rabaan in ay na laayaan”.

Ugu Danbayn wuxuu yidhi'”Waa in aan UN-ka ku qeylinnaa oo afka furannaa. Dublamaasiyad waxba ma tarayso”

https://twitter.com/i/status/1237800028128907264

 40 total views,  1 views today