Taageerayaasha Nabad iyo Nolol Shalay Wey Ka xishooden Inay Suuq Geeyan Beentii Khayre Ee Garoonka Barawe,

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo socdaal shalay ku gaaray caasimadda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,

Ujeedka socdaalka khayre ee Baraawe, ayaa ahaa xadhig ka jarka garoonka diyaaradaha magaalada.

Waa Bogaadin iyo Hambalyo in isku day wax qabad ay samayso xukuamada khayre, waana ta loo igmaday laakiinse waxaa layaab leh oo shacabka soomaaliyeed aad ilaa shalay u hadal hayen garoonka Baraawe iyo lacagta Dawlada soomaaliya sheegtay inay ku baxday.

Sawirkan waa garoonka Diyaaradaha ee Xukumada Khayre sheegtay in si caalami ah loo dhisay. oo waliba ay iska kaa shaden Dawlada Soomaaliya iyo Dalal kale,!?

Dawladu waxay isla soo taagtay Warbaahinta waliba Raysal Wasaare khayre 4.3 Milyan Dollar ayaa ku baxay!

Subxanallaah war miyaan alle laga baqay war miyaan umada laga xishooneen,

Waxay soo kiraysten Weftiga khayre Diyaarado badan oo ilaa afar ah oo garoonka lagu qurxiyo laakiin kumaysan darsan qorshaha wax qabadka runta ahi isaga is qurxiyee laguma qurxiyo Indho Sircaad iyo Kiro.

Ma kula tahay Madaxda beenta intaas leeg usheegaysa shacabka inay run badan oo kale ka sheegayan Wax qabad-kooda.

Dhanka kale Taageerayaashi Nabad iyo Nolol, Shalay xata wey ka xishooden inay Suuq geeyaan Garoonka Baraawe iyagoo ay u cuntami weyday Sawirada Meesha laga soo qaaday iyo dhaqaalaha khayre sheegay in lagu dhisay,

Ugu Danbayn Inta caqliga leh wey og tahay in Meeshan afar Milyan Oo Dollar aysan ku bixin laakiin ujeedka Xukumada Khayre iyo Farmaajo ka leedahay ay tahay si ay lacagta caalamku ugu deeqay ee sida khaldan ay u adeegsaden ugu sheegan inay halkaas ku baxday,

 48 total views,  1 views today