Daawo:Wasiiradii ugu Badna ee Puntland iyo Garaadka Guud ee Dhulbahante Oo Caawa ku Sugan Gobolka Sool,

Waxaa Magaalada saaxdheer ee Gobolka sool caawa soo gaadhay wefti culus oo ka socda Maamulka Puntland kuwaaso ka soo baxay caasimada Garoowe,

Garaadka Guud ee Dhulbahante Garaad jaamac garaad cali iyo Weftigan ayaa ku wajahan maalinta Bari ah Caleema saarka Garaad Mukhtaar garaad cali Buraale oo ka dhacaya Dharkayn Geeyno,

Weftiga Puntland waxaa hogaaminaya Gudoomiye Ku xigeenka 2.aad ee Baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame

Sido kale waxa qayb ka ah waftiga.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha
wasiirka Wasaaradda waxbarashada
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka
Wasiirka Dekadaha iyo kalumaysiga
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo beeraha
Wasiiru ‐dawlaha wasaaradda Waxbarashad Wasiiru‐dawlaha Qorshaynta
Wasiir ku‐xigeenka wasarada Hawlaha Guud Wasiir ku xigeenada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Sahro Kiin.

Xildhibaan Saleeban Faarax ,Xildhibaan Axmed Xariir Gaas , Xildhibaan Dhuubane ,Xildhiban Cabdiraxman Muuse,

Gudoomiyaha Gobolka Sool, Duqa degmada Dangorayo iyo Ganacsade Jaamac Dhagadheere.

Waxa waftiga Caawa Magaalada Saaxdher Casho Sharaf ugu sameya Garaad Jaamac Garaad Cali.

 52 total views,  1 views today