Daawo:-Qaraxa iyo Dilalka laascaanood Waa Mashaariic Caalamka Wax looga Cuno Sida Ku Cad Hadalka Maxamed Kaahin,

Waxaa cadaatay oo waliba inta farta weyn wax ku fahanta u cadaatay maanta in Magaalada Laascaanood dilalka qorshaysan ee ka dhaca iyo Qaraxyada ka dhaca ay yihiin kuwo Siyaasadaysan oo maamulka Somaliland ka yahay Octor waa mid shaki madoon ah islamarkaana intii shakigu kaga jiray ay maanta ogaaden,

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gobolada waqooyi ee soomaaliya, ee maamulka Somaliland gacanta ku hayo majirto gobol ama degmo aan ka ahayn kuwa dhulbahante oo ay ka dhacan dilal cidii gaysatay la garan waayay iyo qaraxyo.

Sidoo kale Qaraxyada ka dhaca ama dilalka ka dhaca deegaanka dhulbahante siiba laascaanood, ayaa ah kuwo la kowsaday 13 sano ee maamulka Somaliland, deegaankaasi gacanta ku hayay mar kale waxay taasi markhaati ka tahay inay somaliland, tahay cida kaliye dhulkaasi ka fulisa qarax ama dil cidii wax dishay la garan wayay,.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka hadlaya shir ay wada fadhiyaan maanta 9-/3/2020 xubno ka socda Midowga yurub iyo maamulka somaliland ayaa yidhi: “Labadii bilood ee ugu dambeeyay waxaanu gacanta kusoo dhignay xubno ka tirsan ururka Alshabaab. Sidoo kale waxaanu haynaa boqol kiis oo argagixiso, kuwaasi oo ku jira maxkamadaha dalka”

Wasiir Maxamed Kaahin, oo hadalkiisa sii wata hortaagana Safiiradii ka socday midowga Yurub, ayaa si uu cadayn ugu sameeyo kiisaska Alshabaab, Ayuu markhaati ka dhigtay isla qaraxii uu ka fuliyay maamulkiisu laascaanood,March 2, 2020 hal Isbuuc ka hor, ee lagu dilay Gudoomiyihii Maxkamada laascaanood,

Ku Darso 100 Kiis ee Argagixisada ah ee Maxamed kaahin, sheegay inay Booliska Somaliland, qabten meesha laga qabtayna waa dhulka uu magacaabay ee qaraxyada usheegay inay ka fuliyen Alshabab,

Sidoo kale Wasiir kaahin waxaa uu calaamadiyay oo sheegay qaraxyada laascaanood ka dhaca inay yihiin kuwo Ay fuliyaan Alshabab,

Markale waxaa uu aad ugu celceilyay in xuduudka puntland iyo somaliland, ay ka soo talaaban alshabaab, xuduudkaasi oo Uu uga jeedo Isla deegaanka Dhulbahante, ilee xad isaaq iyo Puntland malahee’

Wasiir Kaahin, Magaalo iyo miyi. midna uma Nabad galin Dhulbahante wuxuuna ka wada dhigay Dhul-hoy u ah Alshabaab, islamarkaana ay somaliland ku la diirirto.

Waa nooce Dareenka dadka ku nool dhulka dhagarta intaas leeg ku gadaaman tahay ee caalamka hortiisa Maxamed Kaahin, ka cadeenaayo inay tahay hoyga Argagixisada,?!

Buuhoodle iyo laascaanood mooye majirto meel qarax ka dhaco Shanta Gobol ee Waqooyi, kaliyana somaliland, waxay go’aan satay inay noqdan Laascaanood iyo Buuhoodle, dhulka laga fuliyo qaraxyada iyo dilalka mashaariicda ah ee caalamka, wax looga cuno .Halka Hargaysa iyo Burca-na laga ilaalsho magac xumada kadibna ergooyin calaamka loo dalxiis geeyo.

Dhawaaqa Maxamed kaahin, ayaa imaanaya xili mudaba hada somaliland Ay Dalka itoobiya ka dhaa-dhicinasay in Buuhoodle, ay ka abuuran tahay Alshabab,

Ugu Danbayn Sida ku cad hadalka Wasiir Kaahin Damaca Isaaq ee caro dhulbahante. ay u joogan ayaa ah inay shirqoollo dhagaraysan ku dhameeyan Dadka deegaankasi islamarkaana sawir xun laga siiyo caalamka deegaankaasi sida uu hadaba caalamka hortiisa uga cadeeyay inay tahay dhul Argagixisada ay kula dagaalaman,.

KHAATUMONEWS.COM

 48 total views,  1 views today