Deg Deg:Madaxweynaha Galmudug Oo Ka Badbaaday Dil Iyo ilaaladiisi Oo Labo Askari Ka Dhimatay,

Dagaal dhimasho sababay oo u dhaxeeyay laba ciidan ayaa maanta ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug,

Dagaalkan ayaa dhex maray ciidamada ilalaada u ah madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor iyo askarta guutada 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magaalada.

Dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib markii madaxweyne Qoor Qoor oo dhagax dhigi rabay xarunta madaxtooyada Galmudug, oo laga dhisayo xerada 21-aad uu tagay xerada oo fariisin u ah ciidamada Xoogga ee 21-aad.

Ciidamadii ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay inay kadib diideen in madaxweynuhu soo galo halkaaas, kadibna waxaa billaabatay is-rasaaseyn socotay 40 daqiiqo,

Wararka ayaa sheegaya in laba askari oo ka mid ahaa ilaalada madaxweyne Qoor Qoor ay halkaas ku geeriyoodeen, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa si dagdag ah goobta loogala cararay waxaana uu ku sugan yahay Hada Xarunta Madaxtooyada u ah maamulkasi,

 60 total views,  1 views today