XOG:Imaaraadka Bixinaya Lacagta Ku Baxaysa Saldhiga Ciidan Ee Ahlu Sunna ee Gobolka Mudug Iyo Madaxda Ahlu sunna Oo Diyaarad Khaas Ah Lagu Geeyay Abu Dhabi

madaxda Ahlusunna ayaa maanta u safray Imaaraadka Carabta kadib Casuumaad ay ka heleen Boqorka Dalkaasi .

Hugaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xassan , Sh Shaakir oo hugaanka sare ka tirsan iyo labo xubnood oo la socota ayaa Galabta ka dhoofay Madaarka Garoowe ee Caasimada Puntland kuwaa gaarey Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ,

Wafdigan ayaa la kulmi doonna Madaxda ugu sareysa Boqortooyada imaaradaha Midoobey iyagoo diirada wada saaraya taageero Imaaraadku siin doonno Ahlusunna si dib loogu nooleeyo Muuqashadoodii siyaasada Galmudug .

Xubno aad ugu dhowdhow Masuuliyiinta Ahlusunna ee safray ayaa noo xaqiijiyay jiritaanka xiriir toos ah oo imaaraadku amba qaadayo iyadoo laga duulayo Gacan siinta Ahlusunna oo dhowaan lumisay Doorkoodii siyaasada Galmudug Kadib dagaal ay wada galeen Madaxda cusub ee Galmudug ,

Madaxweynihii hore ee puntland C/wali Gaas oo garoowe yimid ayaa aad uga shaqeeyay isku xidhka iyo kulankan Dubia ka dhacaya sida aan xogtaKu helnay .

Kaalin Dhaqaale iyo mid milatari ayay imaaraadku Ku bixin doonnaan Ahlusunna iyadoo looga faaiideynayo Saldhig milatari oo Puntland qorsheysay in laga siiyo Deegaanka Heema oo 35 KM u jira Gaalkacyo sida aan kasoo xiganey xubnaha inoo waramey.

Sidoo kale waxaa jira xidhiidh hoose oo ka dhexeeya Culimadan Ahlu Sunna iyo Dawlada Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in Safarkan Dubay marka usoo dhamaado in Safar qarsoodi ah ay ku tagi Doonaan Nairobi,

Isku soo wada duubo Nabad iyo Nolol weerar iyo Xabad madayso xalna kama keento shalay Wasiir Janan oo u xidhna ayaa fakatay ayay tidhi kadibna wataas Gedo Qiiqaso,maantana Ahlu Sunay Na dhehen ayaa tanaasushay balse waatas imaaradka u sahay doonatay,

 40 total views,  1 views today