Somaliland Oo ku Duushay Degmooyinkii Warsangali

Maamulka Somaliland Ayaa ciidamo aad ubadan geeyay Gobolka sanaag gaar ahaan Deegaamo kamid ah dhulka ay dagto Beesha warsangali,

Somaliland ayaa doonaysa inay dagaal kula wareegto Deegaano kamid ah Kuwa beesha warsangali gaar ahaan Degmooyinka Badhan iyo Laasqoray,

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Khaatumonews inay arkaayen ciidamo badan oo kamid ah kuwa maamulka Somaliland oo ku qulqulaya deegaankaasi.

Deegaanka Somaliland ku wajahan tahay ayaa haatan waxaa gacanta ku hayo ciidamo deegaanka ah oo hoos taga Puntland.

Dhanka kale maleeshiyaadka Isaaq ee duulaanka ku ah Beesha warsangali waxaa horboodaya isla xubno kasoo jeeda Beesha warsangali,

Puntland ayaa Iyana dhankeeda diyaar gorow xoogan ugu jirta inay iska caabiso gulufka colaadeed ee Muuse Biixi soo amray,

Deegaanadan haatan somaliland ku tahay Duulaanka ayaa waxaa hore ujoogay maleeshiyaad Deegaanka ah oo hoostaga Somaliland balse xukumada Deni ayaa kula wareegtay Deegaankasi Dagaal aan dhiig ku daadan kadib markii wadahadal iyo lacag u isticmaashay,

 45 total views,  1 views today