: Madaxtooyadda Soomaaliya ilaaladeedii waxaa loo qaaday gobolka shabeelaha hoose, qiyaasta 300 oo askari in ka badan ayaa Aw-dhegle la geeyey.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Askartaas ayaa kasoo jeeda beelaha Muddollood iyo Habar Gidir, in askartaas la qaado ayaa timid markii Muqdisho lagu qabtay shirkii Muddullood oo dowladdu ka carootay.
Dowladda oo rabta Ciidankaas xoogga badan in aysan ku xoogeysan beelahooda Muqdisho ayey tahay sababta loogu wareejiyey Ciidanka gobolka sida isdaba joogga ah loogu dilo Askarta iyo Saraakiisha.
Ilaaladda Madaxtooyadda waxaa laga dhigay Ciidan kale oo laga keenay gobolka Gedo, waxaa xogtaas ila wadaagay saraakiil Ciidan iyo shaqaale ka tirsan Madaxtooyadda.
By Wariye Cali Aadam Muumin,.
