Deg Deg Daawo:Axmed Madoobe Ku Laabtay Dhooblay iyo Qorshe Culus Oo Ka Socda,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Safar shaqo ku tagay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya Xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha oo maalmo kahor soo gaabiyay safar shaqo oo uu dhoobley ku joogay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa uu ku daah furay Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha waxaa inta uu ku sugan yahay dhoobley uu la kulmi doona Sarakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool deegaankan.

warar sheegaya in Dhoobleey laga samaynayo saldhig ciidan oo cusub oo Maraykanka iyo Amison uu wax ka ogyihiin laguna xarayn doono ciidan hor leh oo hadda tababar loo bilaabayo.

 45 total views,  1 views today