Deg Deg Daawo:Afar Qodob Oo ka Soo Baxay Kulankii Deni iyo James Swan,

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo madaxwayne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa aqalka madaxtooyada Garoowe ku qaabilay, Wefdi uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Puntkand oo ka hadlaya kulankii dhexmaray isaga iyo James Swan ayaa sheegay inay kawada hadlane Afar Qodob.

‘Maanta waxaan ku soo dhawaynay caasimadda Puntland ee Garoowe ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, mudane James Swan, iyo wafdi ka socday Qaramada Midoobay.

Wax yaalaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah (1) Wadatashi in laga yeesho marxaladda soomaaliya ay ku jirto; (2) Doorashada Soomaaliya in wakhtigeeda ay ku dhacdo, isku aragtina laga yeesho; (3) Ilaalinta xeerarka dalka u dagsan; (4) Horumarinta dimuqraadiyadda & dhaqaalaha ee Puntland.

Waan uga mahadcelinaaya James Swan booqashadiisa uu ku yimid Puntland.”

 41 total views,  1 views today