DAAWO:Dawlada Ingiriiska Oo Joojisay Mushahaarkii Ay Siin jirtay Ciidanka R.R.U Ee Somaliland iyo Tiro ahaan intay ahaayen waxa sababay inay Joojiso,

Dawladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in ay joojinayso taageerada dhaqaale ee ay siiso ciidamada RRU-da ee Booliska Somaliland- sida uu maanta shaaciyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ingiriiska ayaa 31ka bishan March joojinaya taageerada RRU, SPU iyo CTU oo dhammaantood ah unugyada la dagaallama argagixisada ee Booliska Somaliland.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Sababta Dawlada Uk u joojisay Mushahaarkii Ay siin jirtay ciidankan ay tahay Dacwo laga gudbiyay oo sheegaysa in ciidankan loo adeegsaday wax ka baxsan wixiii loogu talo galay oo ah inay ka qeyb qaaten Dagaaladii Ceel afweyn weeraro ka dhacay Xaafada Beesha Gabooye ee Hargaysa iyo Arrimo kale oo ka baxsan wixii loo aas aasay oo ay kamid tahay Muqaalo qarsoon oo laga duubay ciidankaasi oo dad shacab ah Jidh dilaya,.

Talaabadan Uk ka qaaday maleeshiyaadkii ay biili jirtay ee RRU ayaa tusaale u ah Siyaasi ama masuul kasta oo soomaali ah oo isku daya inuu ciidanka Dalalka shisheeye Siiyan mushahaar inuu u adeegsado wax ka basxan waxa loo sameeyay,

Tirada ciidankan RRU ee somaliland ayaa lagu sheega inay yihiin ilaa 2000 oo askari kuwaaso maanta burburay guud ahaanba,

 63 total views,  1 views today