Beesha Caalamka Oo Sadex casho u Qabatay Xukumada Farmaajo.

Muqdisho{ Khaatumonews }Dowladda Federaalka Soomaaliya ee u hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheyneysa inay Gobolka Gedo ka soo daabusho ciidan ay hore u geysay degmada, sida aan Xog hoose ku helnay.

Arrintan ayaa imaanaysa kadib markii Beesha caalamka ay si adag uga hadleen xaalada Gobolka Gedo iyagoo aad uga walaacsan dagaalada dhacay.

Madaxwyne Farmaajo ayaa loo sheegay in Qab-qable Dagaal lagu shaabadayn doono (Warlord) walibana Cuna-qabatay Safar iyo mid Dhaqaale la saari doono, hadii uusan joojin Dagaalka uu ka wado Dalka Gaar ahan colaada Gedo.

Sida aan xogta ku helnay Beesha Caalamka gaar ahaan kuwa dhaqaalaha ku bixiya Doorashooyinka, amniga iyo ciidamada soomaaliya, ayaa Madaxweyne Farmaajo ku war galiyay inaysn raali ka ahayn gobol nabad ah iyo Maamul Nabad ah in Colaad hurin laga sameeyo iyadoo dan siyaasadeed laga heeyahay lana adeeg sanaayo dhaqaalihii Ay bixiyen,

Beesha caalamka ayaa sheegtay in wakhti badan iyo dhaqaalle badan kaga baxay soomaaliya sidii nabad iyo xasilooni loo helilahaa,

Muddo 3 Maalmood ah ayaa loo qabtay inuu ciidanka uga saaro Gobolka Gedo Madaxweyne Farmaajo,

Culayska Madaxweyne Farmaajo ka soo wajahay Beesha caalamka ayaa yimid markii kenya, ku dacweysay in Xuduudkii nabada ahaa uu Madaxweyne Farmaajo u badelay Dagaal iyo Amni daro kana saaray meesha Nidaamkii ka jiray isagoo ku badelay maleeshiyo beeleed tasina khatar ku tahay amniga Kenya iyo Kan Geeska.

Wakiilka Qaramada Midoobe ee soomaaliya Safiirka Mareykanka ee soomaaliya iyo madax kale ayaa si toos ah ula soo hadlay Madaxweyne Farmaajo.

Beesha Caalamku xidhiidhka kaliya kumaysan joogsane Waxay soo saaren War saxafadeedyo isdaba joog Ah,

Beesha Caalamka ayaa ah tan bixisa dhaqaalaha ama mushahaarka ciidamada soomaaliya sidoo kale beesha caalamku waxay bixisa dhaqaalaha ama mushahaarka ciidamada Amisom ee soomaaliya jooga waxay kalo bixisa Dhaqaalaha doorashooyinka soomalaiya.

Dagaalka kaliya ee Beesha caalamku ay sheegtay inay ogoshahay in loo adeeg sado dhaqaalaha ay bixiso ayay ku sheegtay waxay ugu yeedhay {Aterrorist}

KHAATUMONEWS,COM

 43 total views,  1 views today