8-Xildhibaan Ee Muqdisho Ku Matala Dhulbahante Oo Ka Shiraya Shirka Garoowe,

Waxaa Bishan aan ku jirno ee March 15 Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland, ka dhacaya shir madaxweynaha maamulka puntland ku baaqay kaaso reer Puntland uga tashanayaan Xaalada siyaasadeede ee Xukumada Farmaajo.

Madaxweynaha Puntland ayaa shirkan ku war galiyay xildhibanada labada aqal ee dawlada Fadaraalka soomaliya ee deegaan doorashadoodu tahay puntland inay ka soo qeyb galan shirka wadatashiga,

Sideeda Xildhibaan ee Dhulbahante balse marka la dooranaayo lagu doorto Garoowe ayaa saamayn xoogan kala kulmay baaqa Deni maadaba aysan ahay kuwo midaysan oo si madax banaan loo geeyay Muqdisho,

xildhibaanadan oo deegaan ahaan ka soo jeeda dhulbahante balse magaca puntland ku fadhiya Xamar laguna doorto markooda horaba Garoowe ayaa ku kala qeybsan siyaasadda puntland iyo Fadaraalka waxaana jira xubno aad ugu dhow madaxweyne Farmajao.

Xaalada soo wajahday 8 xildhbaan ee SSC ayaa ah laba daran mid dooro mar waxay ka cabsi qaban hadii ay diidan go aanka Deni oo shirka ku gacan saydhan inay bari doorashada 2020 ka hadhan oo marhadii meesha lagu dooranaya tahay garoowe aysan soo baxay hadii ay shirka diidan.

Qaar kale waxay aaminsan yihiin in shirka Garoowe ee 15 March laga qeyb galo Nabad iyo Nolol-na loo baneeyo boodhka.

8-Xildhiban ayaa ka shiraya culayska Uga kala imaanaya Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Farmaajo waxaana dhici karta inay ku kala qeyb saman tagida shirka Garoowe oo xubnaha qaarna tagan qaarna ku hadhan Xamar ,

Dawlada Fadaraalka soomaaliya waxay dadaal dheer galinasa inay kala dhantaasho shirkaas waliba xubnaha labada aqal ee Beelaha warsangali iyo dhulbahante gacan galiso kuna qanciso inaysan tagin.

 43 total views,  1 views today