Maxay Tahay Sababta Aysan Kenya Uga Hadal Taleefoonkii Farmaajo Udiray Uhuru Kenyatta?!

Shacabka soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta Dalka soomaaliya, waxay is weydiinayan Maxay dawladda Kenya uga hadli wayday wadahadalkii dhanka taleefanka ku dhexmaray Madaxwayne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Dhigiisa Uhuru Kenyatta oo ay Villa Soomaaliya uga hadashay kaligeed?

Marka laga yimaado Warbixin lagu daabacay warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka kenya ee NATION.CO.KE oo sheegtay in kadib Cadaadis ka yimid dawladda Maraykanka oo la xiriirta Xiisadda ka dhalatay dagaalkii Baladxaawo ee Gobolka Gedo ay Madaxwayne Farmaajo ku khasabtay in uu la xiriiro Uhuru Kenyatta, islamarkaana uu ka dalbaday in Xiisadda labada dhinac la qaboojiyo.

Jawaab la’aanta iyo xiiso la aanta kenya ka muujisay Taleefoonkii Madaxweyne Farmaajo ku soo wacay Madaxweynaha Kenya waxay tahay mid shaki iyo walwal kale ku abuurtay Madaxtooyadda Soomaaliya,

Tani waa talaabo laga macnaysan karo in aysan kenya wax maco weyn u arag Hadalkii xukumadda Farmaajo islamarkaana ay ka raacatay danaheeda kale ,

Inkasta oo dagaalka Gobolka Gedo u dhaxeeyo Ciidamo taabacsan Dawladda Soomaaliya iyo kuwo Jubbaland haddana dawladda Kenya waxaa ay sheegtay in Soommaaliya ay ku soo xadgudubtay dhulkeeda, halka dawladda Soomaaliyana u aragto in Kenya ay faragalin ku hayso Soomaaliya.

 53 total views,  2 views today