Madax qaran iyo shaqaale qaran.

Ilaa hadda dalka Soomaaliya kama jirto madax qaran, waxa kale oo aan ka jirin ciidan qaran.
Dhalinyaro badan oo aan caqligoodu is gaadhsiisnayn xilligii shirkii Carta waxa ay ku kadsoomaan xaaladda maanta ka jirta dalka Soomaaliya.

In badan oo xilligii Carta dareenkoodu joogayna wax badan ayaa ka lumay oo xasuus ah.
Xilligaas Carta la joogay qorshuhu wuxuu ahaa in muddo Afar sano ah lagu qabto doorasho hal cod iyo hal qof ah, waxa kale oo xilligaas arrintan 4.5 lagu tilmaamay in ay tahay Xal ee anay ahayn xaq, taas oo lagu tilmaamay in muddo kooban lagaga bixi karo.

Waxaan xasuustaa Jabuuti oo Tv loogu talo galay shirka in lagala socdo hawada laga daawan jiray ayaa nin ka hadlayaa yidhi oo markaa ka soo horjeeday 4.5ka ayaa yidhi waxaan ka cabsi qabnaa in arrintaasi sharci Soomaali ku noqoto oo kii sadbursiga iyo kuraasta badan ku helay ka fuqi waayo, kii lagu dulmiyeyna sharci ku noqotay uu xilligaa ogolaaday.

Baqdintu waxay ahayd in giraantaas laga bixi waayo, kuwii fududeynayey 4.5 xilligaas waxay odhan jireen marka dawladda la dhiso Soomali way u hoggaansami oo waa loo dhaga nuglaan.

Maanta waxaa ka soo wareegtay 20 sano ilaa maanta waxaa shaqeeya oo sharci noqday 4.5, waxayna noqotay arrin ay wax waliba ku dhismeen saami qaybsi goobkasta ka jira oo lagu saleeyo 4.5, madaxweynuhu wuxuu ku yimaadaa hannaan qabiil oo 4.5, RW hannaan qabiil, ciidanka waxaa saraakiishiisa lagu saleeyaa qabiil, dublumaasiyiinta qabiil, xarumaha dawladda oo dhan qaab qabiil.

Qorshihii ahaa in looga baxo qabiilka xilligii Carta muddo kooban oo loo gudbo hannaan xisbiyo wuxuu marayaa maanta 20 sano, madaxweyne kasta oo yimaadaa wuxuu abuurtaa koox daacad u ah wuxuu dib u abbuurtaa ciidan ku salaysan 4.5 oo daacad u ah afkaarta siyaasadeed ee markaa madaxweynuhu rabo.

Sidee madax qaran iyo ciidan qaran ku imaan karaan?.

Shaqooyin badan ayaa horyaala bulshada Soomaaliyeed oo ay ugu horayso ciladdii Carta ka soo bilaabmatay in la garowsado in ay jirto lana xasuusnaado xildhibaan, Madaxweyne, RW, Wasiir ilaa shaqaalaha ugu hooseeya ee xilligan Soomaaliya ka jiraa in aanay ahayn kuwo qaadan kara weedha “Qaran” dhammaantood waa xubno “Qabiil” .

Waxaana Qaran lagu gaadhi karaa marka xisbiyo loo gudbo oo xildhibanku ku soo baxo cod Shacab iyada oo aanu ku suntanayn hannaanka 4.5, xataa qorshahan hadda xukuumaddu keentay ee ah doorashada hal iyo cod, waxay ku salaysan tahay 4.5, oo tusaale ahaan kursigii jifada reer “Twitter” iyaguunbaa ku tartamaya. Xisbiyaduna waa faalso.

Xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya ka jirtaa waa dawlad qabiil laakiinse bulshadaa markii beentii lagu celceliyey rumaysatay.

 45 total views,  1 views today