Dhulbahantaha Dagan Jubooyinka iyo Gedo Oo War Culus Ku Dhawaaqay,

Kismaayo{ Khaatumonews }Waxgaradka iyo Odayaasha dagan Deegaanada Jubuland gaar ahaan Magaalooyinka Kismaayo.Doolow, Beladxaawo ayaa ku baaqay in la isku uruursho xiisada ka taagan Jubooyinka ee udhaxaysa Maamulka Jubaland iyo Xukumada Farmaajo,

Odayaasha iyo Haldoorka Jubooyinka iyo Gedo. ee dhulbahante ayaa sheegay in xiisadan ka dhex aloosan Maamulka Jubaland, iyo Dawlada u hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, ay tahay mid aan la dhayalsan karin islamarkaana reebi karta wax aan hada la fahmi karin oo waliba inta caqligu indhaha ka saaran yahay aysan fahmi karin,

Odayaasha dhulbahante ee Gedo iyo Jubooyin, ayaa qeexay in wadanka soomaaliya, aysan xiligan ka jirin dawlad si buuxda loogu midaysan yahay oo si guud ugu wada haysa Gacanta islamarkaana loo baahan yahay in la iska urursho dagaalka siyaasadeed iyo kan diimeed ee ka socda gobolada qaar loona baahan yahay in aan dusha la saaran godob iyo colaad aan ku dhaweyn,

Oday Axmed cali, oo Mid kamid ah odayaasha jubooyinka iyo Gedo ee Dhulbahnate oo ka hadlaaya kulan looga tashanaayay sidii dhulbahante isaga ururin lahaa xiisadan jubooyinka iyo Gedo ka taagan ayaa yidhi”Anagu taag uma hayno godob aan dani noogu jirin inaanu dusha saaro Haday tahay Jubaland iyo haday tahay Fadaraalka mid aanu difaacisa Jano ku galayno ama nagu siinaya wax majiro wiilasha dhulbahante ee ku dhimanaya Gedo ama Jubooyinka waxaanu odhan lahayn halkaas waxaa isku dilaya Ragii lahaaye ku dhinta hadaad dhimasho u ciil qabtaan Tukaraq iyo laascaanood oo iska difaaca oo la dirira kuwa haysta haweenkeena iyo ubadkeena’

Mar kale masuul ka hadlaayay Doolow, oo lagu magcaabo yaasin nuur barkhadle oo isla Beesha dhulbahante ah ayaa sheegay inuu ugu baqaayo Beelweynta dhulbahante inaysan Dusha saaran wax aan udhaweyn oo loo tudho dadka dagan Jubaland ee dhulbahante,,

Dhawaaqa odayaasha dhulbahante Ee Gedo iyo Jubooyinka ayaa kusoo beegmaya xili maalmahan si ka baxsan caqliga saxda ah ay sawiro dhalinyaro kamid ah ciidankii lagu soo tababaray Turkiga u faafinaayen Dad kamid ah Beesha SSC kuwaaso ku Fanaayay in Saraakiishaasi qeyb ka yihiin gulufka colaadeed ee Beelaha Jubaland ku dhexmaraya Beladxaawo,

Goordhow La soco Qodobo ka soo baxa shirka odayaasha dhulbahante ee Jubaland,

 50 total views,  1 views today