Maxaa looga Hadlaya Shirka Beelweynta Ogaden ee Nairobi + Xidig iyo Seerar oo Ku Biiray shirka,

Waxaa maalmahan Magaalada Nairobi Caasimada Dawlada kenya ka soconaayay Shir baladhan oo ay wadan Abaabulkiisa Beelweynta Ogadeen.

Shirka Nairobi, ee Ogadeniya waxaa abaabulay islamarkaana ka ah hormuud Siyaasiyiinta Beesha ogadeen ee Dawlada kenya ku jira,

Ujeedka Shirkan ayaa daaran Xaalada Jubaland , iyo tan dawlada Fadaraalka soomaaliya, gaar ahaan xiisada ka taagan Degmooyinka Gobolka Gedo.

Beesha ogadeen Ayaa u aragta In Madaxweyne Farmaajo isagoo ka Faa ‘iidaysanaya Awoodda Dawliga ah in uu doonaayo iska horkeen ka dhan ah Beelaha Jubuland, si meesha looga saaro Nidaamka Jubaland.

Beesha Ogadeen waxay aragta oo u muuqda in Xukumada Farmaajo si beelaysan ufaro galisay Gobolka Gedo, ugana talowday sharcigii Fadaraalka, islamarkaana taas badelkeedu noqonaso in Si beelaysan looga tashado Xaalada Jubaland.

Shirka Nairobi, waxaa ku biiray oo beesha Ogadeen diyaarad khaas ah kaga soo qaaday Labada Siyaasi ee ka soo Horjeeda Axmed madoobe Kismaayo, Xildhibaan Xidig iyo Cabdinaasir Seerar oo beeshu doonayso inay gacanta isu saarto axmed madoobe iyo labada siyaasi.

Beelweynta Ogadeen, ayaa ahayd Beesha ay ka timid qorshaha Dhismaha Jubaland islamarkaana 11 sano ka hor ayay Beesha ogadeen waxay ka soo bilowday Kenya gaar ahaan Nairobi, halgan lagu xoreeyo Kismaayo oo xiliga ahayd laf dhabarta Xogaga Alshabab, iyo Deegaano badan oo Gobolka Gedo kamid ah weyna ku guulaysatay beeshu Iyadoo naf iyo maalba dul dhigtay dhismaha Jubaland,

Isku soowada duubo shirkan Ayaa ah mid lagu badbaadinaayo Xukumada Jubaland islamarkaana waxaa la filaya, inay ka soo baxan Go aamo dhaxal gal u noqda dadka reer jubaland kuna noqda dacar iyo dhabar jab kuwa jecel Burburka jubaland jecel.

KHAATUMONEWS.COM

Xidig iyo Seeraar

 45 total views,  1 views today