Kenya Oo Jabhado Hubaysan Marti Galinasa Iyo Dadaal Ay Ugu Jirto Inay Kala Baxdo Ciidankeeda Somalia,

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxaya gudaha Kenya ayaa daabacay in Wasiirka gaashaandhigga Kenya Monica Juma ay hormuud ka noqon doonto wadahadalka oo qeyb ka ah qorshaha Dowladda Kenya ay uga baxeyso kasii mid ahaanta dowladdaha ku mideysan Ciidamada Amisom qeybta Soomaaliya.

Sido kale Wargeysa ayaa sheegay maalmaha soo socdo Kenya Iyo Madaxda Midowga Afrika Iyo Amisom ay kala hadli doonto sidii ciidankeeda looga saari lahaa kuwa Amisom ugana bixi laheyd gudaha dalka Soomaaliya 8 Sanadood oo Dagaal kula jirtay Garabka Alqaacidda ee Soomaaliya Al-Shabaab.

Wuxuu sido kale Wargeysa Xusay in hadii qorshahaasi u tooso kenya ay ka bixi doonto Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa jira qorshe qarsoon oo dawlda Kenya ay ku doonayso inay ku marti galiso Jabhado Hubaysan Xuduudka Ay Soomaaliya la wadaagto si meesha looga saaro Dawlada Soomaaliya ee Hada u hogaamiyo Farmaajo.

Qorshaha ay ku doonayso Kenya inay ciidan Keeda ugala Baxdo Soomaaliya ayaa ah dib u gurasho xeel dagaal .

Kenya Ayaa hada Hubaysay oo marti galisay Cabdirashiid Janan oo kamid ah Masuuliyiinta Jubaland islamarkaana Dagaal culus kula jira dawlada fadaraalka soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira qorshe kenya ay ku marti galinaso Jabhado ay Hogaamiye ka yihiin Beelaha Hawiye Gaar ahaan Habar Gidir,

Soomaaliya ayaa hada u muuqata inay mar kale dhabada cagta saarayso colaado iyo dagaalo hor leh oo soomaalida dhexdeeda ah,

KHAATUMONEWS.COM

 48 total views,  1 views today