War Deg Deg Ah:Duqayn Xoogan Oo Ku Socota Baladxaawo,

Ciidamada milatariga Kenya ee ku sugan xadka u dhaxeeya degmooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera ayaa lagu soo waramayaa in madaafiic saakay ku garaaceen xaafado katirsan Degmada Balad Xaawo.

Gudoomiye kuixigeenka gobolka Gedo Axmed Barre Sheekh Cabdulaahi ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan xadka madaafiic saakay kusoo garaaceen xaafado katirsan Degmada Balad Xaawo.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in madaafiicdaasi ku dhaceen xaafado shacab, waxa uuna sheegay in uusan wali maqal khasaaro nafeed oo ka dhashay madaafiicdaasi balse uu bur bur badan gaarsiiyay guryo dhoor ah.

Axmed Barre ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Kenya ciidamo aad u badan soo dhoobtay xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna tilmaamay in ciidankaasi wadaan dhaq dhaqaaqyo iyo garab istaag ay u muunjinayaan ciidamada Jubbaland

 39 total views,  1 views today