Deg Deg Daawo::Gol-jano Oo Looga Gacan Haadiyay Somaliland Iyo Sirta Ka Danbaysa Ciidan sheegtay Jabhada SSC,

Waxaa maanta Deegaanka Goljano ee Gobolka Cayn ka soo muuqday Dhalinyaro 20 taneeyo ah oo sheeganaya inay kamid yihiin Jabhada SSC oo ka samaystay Ciidan Deegaanka Goljano.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhalinyaradan ayaa sudhatay calanka soomaaliya Deegaankaasi islamarkaana waxay sheegen inay kamid yihiin ciidamada Jabhada SSC,

Xog khaatumonews.com ka heshay ciidankan lagu soo bandhigay Tuulada Goljano ayaa ka saraysa meesha in sida ay warka u dhigen uusan warku ahayn balse yahay si ka duwan oo somaliland wax looga rabo laguna keenaayo deegaanka Goljano Ciidamo somaliland ah.

Xogta khaatumonews heshay ayaa cadeenasa in Beesha yaxye Ee deegaankaasi dagan ay doonayso qaabkii ay deegaanka ku keeni lahayd Somaliland islamarkaana loogu Qaramayn laha maleeshiyaad beeshasi ah oo ka masaariif qaata somaliland.

Bari waxaad arkaysan maleeshiyadka Somaliland oo galay Deegaankaasi Goljano kadib-na kusoo bandhigaya kuwan Maanta Sheeganaya Jabhada SSC oo leh SSC ayaanu kasoo goosanay oo somaliland ayaa na Qaramaysay waana qorshaha kaliye muqaalkan loo baahiyay, y

Waa Talaabo marka hore la doonaayo qaabkii ciidan somaliland loogu jeexi laha wadadii ay ku imaan lahaayen Goljano marka labaadna waa Dhabadii lagu heli laha ciidan somaliland ka mushahaar qaata oo beel ahaan deegaankaasi la siiyo.

Qorshaha kale ayaa ah in deegaanka Buuhoodle dhankasta laga dhigo maleeshiyaad Somaliland ah si ay u sahlanaato Qabashada Buuhoodle.

Somaliland ayaa deegaano badan oo kamid ah Gobolka cayn islamarkaana ah Hareerara Buuhoodle ku leh ciidamo ay siiso mushahaar waxaana kamid ah Deegaanada.Widhwidh,Ceegaag,Caroweyn Goconhaalle,Goljana-na waxay haysa dhabadii lagu keenilaha Ciidan Somaliland,

 47 total views,  1 views today