Caqliga iyo caadifadda iyo colaada taagan.

Sanadkii 1996 ayaa degmada Boocame ee Gobolka Sool lagu qabtay shir beeleed guud oo deegaanka SSC aad looga xiisaynayey dadkuna aad ula dhacsanayeen.

Goolada Laascaanood waxaa jiray dumar caano ku iibin jiray, oday ka mid ahaa odayaashii shirka ka soo qayb galay ayaa wuxuu arkay gabadh caana gadaysa oo geeska ugu xigta, gabadhii ayuu intuu caanihii ka baayacay oo ku yidhi goonbada intee siinaysaa ayuu hadal kale ugu daray, dadka oo badan iyo iibka socda dadku aad isu dhaadi maayaan, gabadhu waa gabadh dhexe oo mudhaysa,odaygana haasaawe qurxoon ayuu wataa, waase marwo reer leh Gabadhu, hadalkan iyo haasaawahan ayey diidey soo dhaafay iibkii.

Hadalkii ayey kor u qaaday oo dumarkii ag-fadhiyey soo jeesteen iyadoo leh “ee naga taga muxuu ahaa odaygan wareersani” odaygii ayaa dareemay in xaalkiisii kashifmayo intuu booday ayuu isagoo hadalka maqashiinaya dadka ku soo jeestay hadalka gabadha yidhi: ” Naa shirka Boocame wuu dhacayaa ama diid ama yeel dadkuna aayahooda waa ka tashanayaan, bal gabadhan ka soo horjeeda in shirka Boocame dhaco daya” Dumarkii ayaa mar kaliya ku soo jeestay oo ku yidhi “Naa ma adigaa shirka Boocame ka soo horjeeda, baryahanba waa la sheegayey dad diidan shirkee” gabadhii intay naxday ayaa hadalkii intuu ka soo bixi kari waayey difaac gashay, intay is difaacaysay ayuu odaygii iska dhaqaaqay, waxaa isku hadhay gabadhii oo eedeysane ah oo danbiile noqotay iyo shacabkii, odaygiina isagoo waxna gacan tugaaleeyey halyeyna ah ayuu meeshii ka tagay.

Arrimaha ka dhacaya BeledXaawo iyo xukuumadda NN waxaa fahmi kara qofka dhacdooyinka la socday qandhiifooyinka iyo is haynta hoose ee ilaa bilowgii burburka Soomaaliya, waxaa jira dagaal hoose oo aanay dadka badankoodu ogayn oo u dhaxeeya xubno badan oo Villa Soomaaliya iyo xubno badan oo Jubaland jooga oo ilaa 1994 iyo xilliyadii maxkamadaha aad isu ogaa oo xilliyo badan isla baaxaadegayey.

Waase arrin amarka ilaahay ku timi Kenyadii xilliyaddii 1996 iyo 1998 loo qaxay markii Itoobiyaanku soo galeen deegaankaa BaladXaawo , Luuq iyo Doolow iyo xilliyadii burburkaba ay noqoto cadow, Itoobiya oo la ogaa xaaladihii laga soo marayna xabiib tahay, waligeed Itoobiya iyo Kenya isugu mid ma ahayn bulshada Soomaaliyeed labadana iyagoo cadow inoo ah ayeynu u jabnay oo maatadeediinii iyo maxasteenii ula qaxnay.

Mid waa in aan laysku isku eedeyn sida nin ujeedo leh oo xodxodasho watay oo markii laga diidey u cararay wadaniyad iyo hebel waa khaayin oo anigaa danta ku taagan, loolanka Soomaaliya ka jiraa waa mid isdiidooyin wata, wayse u muuqan kartaa indhaw Garad badan iyo dhalinyarada aan waligood arag dawlad Soomaaliyeed in dhinac Wadani yahay dhinaca kalenakhaa’in yahay, haybad iyo xadna la sugayo, faragelintana la diidayo,xaqiiqaduna waxay tahay dhinac waliba si uu shaashada uga muuqdo ayuu ficilkeeda hayaa, marba mid ayaa dabinkiisa ugaadh weyni u soo gelaysaa. Wuxuuna suuq u helayaa aragtidiisa oo taageero badan ku helayaa laakiinse dadku dhacdooyinka ma weeleeyaane ilaa xoriyadii, dawladdii kacaanka, Jabhadihii, jabhadii islaamiyiinta Saliid iyo Imaara Islaamiya, Maxkamadihii dawladihii ka danbeeyey iyo xilligan NN marna caadifad iyo laabla kac kama madhnayn Soomaalidu, la yaabna malaha oo bulshooyinka ayaa marba waxaa ku soo kordha jiil cusub oo aan xogbadan hayn waxaana ka faa’iideysta xamaasadooda jihooyin badan oo isugu jira siyaasiyiin iyo islaamiyiin, had iyo jeerna waxaa la ogaadaa in waddo khaldan lagu socday marka musiibo dhacdo, dad badana waxay u aamusaan yaan lagugu eedeyn Wadani ma tihid oo cadowgaad la jirtaa, halkaana waxaa ku guulaysta kan dabinka siloon wata, goor xeedho iyo fandhaalo kala dhacdana waxaa baraaruga kii xunbada u tuurayey ee bulshada lagu saliday.

Kenya waligeed cadowgeena ayey ahayd ilaa maantana way tahay, Itoobiya waligeed cadowgeena ayey ahayd maanta way tahay, labada dal midna ma ogola in aynu lugaheena isku taagno sidaas oo ay tahay ayaa waxa isrifiya ee isku qaadani yihiin Soomaali oo markasta waaqica ka fog, colaaduna iyaga dhextaalaa oo arrimihii siyaasadda isku fahmi la’, waxaana u sii raacday arrimihii diinta oo inta laysku fahmi waayey, koox waliba sii kala burburtay, waxaad ka sii tacajabaysaa markaad ogaatid ragga hadda dhufayska isugu jiraa in ay ahaayeen xilli xilliyada ka mid ah islaamiyiin hal dhufays ah ku wada jiray oo cadow u wada arkayey Itoobiya iyo Kenya , hadana mid mid wato oo laysku karbaashayo.

Waaqica Soomaaliya yaalaa waa mid u baahan xikmad siyaasadeed in lagu abbaaro, oo aan u baahnayn caadifad siyaasadeed iyo fudeyd, dhibaatada Soomaaliya ka jirtaana waa mid siyaasadeed, waxayna u baahan tahay xal siyaasadeed.

W/Q Asad Adaani Ibrahim

 44 total views,  1 views today