War Deg Deg Ah:Jubaland Oo Ka Hadashay Dagaalka Beladxaawo sheegtayna Inay Kala Wareegtay Fadhiiso Badan Ciidanka Dawlada

Waxaa aad u adag in la helo khasaaraha inta uu la eg yahay waxaana lasoo tebinayaa in dagaalkaasi la isku adeegsaday Hubka kala duwan.

Sidii Saacado ka hor waa ka duwan tahay xaalada Buula xaawo iyo Mandheera inta udhaxeysa oo waxaa lasoo sheegayaa in rasaastu ay yara qabowday.

Qoraal lagu faafiyey Warbaahinta Codka Jubbaland ayaa lagu yiri “Ciidanka Daraawiishta Dowlad-goboleedka Jubbaland ee kusugan degmada Beledxaawo ayaa ka hortegay weerar ay soo qaadeen ciidankii ay muddooyinkaan Dowladda Federaalku ku daabulaysay gobolka Gedo”.

Dagaalka oo weli socda ayaa ku fiday fariisimo ay horay ugu sugnaayeen ciidanka Dawlada Soomaaliya, saraakiisha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa qorsheynaya in ay ciidan gurmad ah ka daabulaan Degmada Ceel waaq oo ay Gacanta ku hayaan garoonkeeda diyaaradaha.

 44 total views,  1 views today