War Deg Deg Ah:Ciidanka Jubaland Oo Weraray Ciidankii Dawlada ee Balad Xaawo iyo Dagaal Culus Oo Socda,

Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas goordhaw ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamo taabacsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada maamulka Jubbaland.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay socoto rasaas culus ay is dhaafsanayaan ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya geysay Balad Xaawo iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ka amar qaadanya Wasiir Cabdirshadiid Janan.

Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in xoogiisa uu ka socdo duleedka magaalada Balad Xaawo halkaas ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Jubbaland oo mudooyinkii dambe abaabul dagaal halkaas ka waday.

Ciidamada jubaland ayaa la sheegay inay Weerarka Ku qaaden Ciidamada Dawlada soomaliya oo ku sugna meel aan saas uga fogay halka ciidamada Jubaland Ku Sugnaayen,

Sidoo kale waxay Ciidanka kenya Hawada ka saaren Isgaadhsiinta Deegaankaasi

 75 total views,  2 views today