”’Darbigiii markii lagu dunshee Danab u soo Daatay Been wuxuu Daliilshaba Duqii Duuli kari Waa dheh”

Qormadan waxaan raba inan wax yar ku dulmaro Qaabkii ay isku soo afjaren Culimadii ka aradnayd Siyaasadda ee Filim-koodii lagu soo gabagabeeyay Dhiiga iyo dhimashada .,


Waxaan oga Culimada Ahlu Sunna, oo Dhabarka ka jabisay Madaxweyne Xaaf, islamarkaana Albabadii uu yidhi Xaaf inoo xidha ee Dhuusamareeb u balaqday Dawlada lana safatay Dawlada Soomaaliya kadibna Hub iyo Ciidan waxay lahaayen Barqo wareejiyay markii Loo Dhiibay Hal Milyan oo Dollar.


Culimadu intii ay ku mashquul sanaayen Halka Milyan Dawlada soomaaliya-na waxay ku mashquulsaned Soo af-jaridooda waxayna dhuusamareeb keentay ciidamo kala duwan sidoo kale waxaa lala wareegay dhamaan waxay ciidan iyo saraakiil lahaayen Ahlu Sunna marka laga reebo lix gaadhi oo istaaf u ahaa labada wadaad.


Xaaladu markay halkaas marayso islamarkaana culimadu wajigii koobaad loo dhiibay Hal Milyan oo Dollar wajigii labaad ee doorashada ayaa la soo gaadhay waxay isku dayen inay hadana Dawlada wax ka ruxdan laakiin ismaysan weydiin Culimadu labadan mar horta ma kala duwan yihiin oo markan maxaa gacanta idiinku jira ciidan iyo Calaf,


Doorashadii ayaa dhacday waxayna kooxda Dawladu dooratay Ninka lagu magacaabo qoor qoor, halka Culimadiina Sheekh Shaakir u cimaamadem Madaxweyne..


Shaakirow Is cimaamad mooye meeshaba ma soo dhigan in hal milyana ku maqan yahay wax gacanta ugu jirana aysan jirin wuuna sii watay hawshiisi ahayd in uu Dawlada rux ruxdo mar kale balse markan wey ka soo dhamaatay qoladii Nabad iyo Nolol oo waxay Raadinayan jaanis uu xabad ku rido shaakir iyo Kooxdiisu taaso lagu xalaal sanaayo dagaalkii lagu soo afjarilaha waxayna kooxda nabad iyo nolol ee Qoor qoor, wakiil-ka ka yahay qaaden Talaabo kasta oo shaakir iyo Ahlu Sunna ku bilaabi karaan xabad wuuna bilaabay Shaakir ilee waa intii i larabaye,.


Shaakir oo dayrka Inji ku jira islamarkaana haysta Lix tikniko ah ayaa mudo saacado ah soo Xabado ritay Kadib awoodiisi waxay kusoo ururtay mudo dagaalku socday kadib ‘‘Darbigiii markii lagu dunshee Danab u soo daatay .Been wuxuu daliilshaba duqii duuli kari waaa dheh Yaa Xanaan Yaa Salmaan Socon Weyday Dheh.”


Halkaas ayaan lagu soo gabo gabeeyay Wixii la odhan jiray Culimada Ahlu Sunna ,


Kadib Madaxweyne Xaaf-na waxaa uu yidhi Maahmaahdii ahayd ” ‘Hadaad taliso oo Taladaada la diido ma jeceshahay in la jabo’


Culimadu In xaaf Madaxweyne ahaado labadiisa Sanana iska hayso Dhuusamareebna ay noqota Meel Ka caagan Nabad iyo Nolol, Wey diiden Waxayna ka door Biden inay ciidanka wareejiyan Kadib la siiyo shilimo iyo 20 xildhibaan subaxda labaadna lagu dunsho Dayrkii ay ku jiren kadibna ay dhahaan Waanu Tanaasulnay xili sandulle looga dhigay


Isku soowada duubo talaabadan waxay tusaale u tahay qofkasta oo isku daya inuu cuno laalush hadana raba kuwii siiyay laalushka inuu iska celiyo.

W/Q Cartan Darwiish

 49 total views,  1 views today