Daawo:Beesha Hawiye Oo Ka Cadhootay Muqaal Halis Badan Oo Ciidanka Haramcad Iskaga Dhex Duuben Xaruntii Ahlu Sunna ee Inji,

Taliyaha ciidamada Haramcad ayaa si kulul uga hadlay Muqaal ay iska duuben qaar kamid ah Ciidamada Dawlada Soomaaliya

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mar qudha ayaa Baraha bulshada waxaa qabsaday muqaal halis xambaarsan oo ay iska duuben Qaar kamid ah ciidanka haramcad ee Shalay la wareegay Xerada Ama Xarunta Inji ee Dhuusamareeb Ay ka daganaayen Ahlu Sunna.

Muqaalkn lagu baahiyay Facebook waxaa kasoo Muuqday dhalinyaro kamid ah Ciidanka Haramcad oo ka soo jeeda Beesha Raxanweyn kuna hadlaya Afka loo yaqaan Maymay-ga iyago boobaya dhar, Mobello Muraayadaa indhaha iyo Tusbaxyo kamid ah kuwii Culimada Ahlu Sunna kuna sheegaya inay tahay Qaniimo ay Ka furten Ahlu Sunna.

Beesha Hawiye ayaa muqaalkan aad uga cadhootay waxana durbaba baraha bulshada laga dareemaya jawi ka duwan kii shalay,

Taliyaha Ciidanka Haramcad ayaa soo dhigay qoraal uu kaga hadlaayo ciidankaasi ku kacay falkaasi Foosha xun soo dhigay Bartiisa Facebook

Bismillaah

Cadeyn iyo Raali Galin Dhalin yaro katirsan Ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee Haramcad ayaa waxa ay Gaf iyo Aflagaado u geesteen Mas,uuliyiinta Ahlusuno iyo Gabi ahaanba Shacabka kudhaqan Caasimada Galmudug Dhuusamareeb .

Kadib markii aan aragnay Muuqaalkii anshaxdarada xanbaarsanaay ee ay dhalintaan iska soo duubeen waxaa Gabi ahaanba Jeelka ladhigay Dhalinyaradaan ayadoo lamarsiin doono Sharciga iyo Qaanuunka Dalka uyaalo

Gudo Howsha laguu igmaday oo kaliyeh .

 70 total views,  1 views today