Ciidanka Dawlada Somalia Ma Rooxan Ayay La Dagaalamayan!!

Waxaa caawa iskii Isu taagay dagaal mudo 10 saac ah ka socday magaalada Caasimada u ah maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb,

Dagaalkan ayaa udhexeeyay ciidamada Culimada Ahlu sunna, iyo Ciidamada dawlada soomaaliya geeysay Deegaankaasi.

Xukumada Soomaaliya ,ayaa dhuusamareeb waxaa ka jooga ciidamo ay diyaarad kaga soo daabushay Xamar, oo lagu qiyaasay tiro ahaan 700 oo askari kuwaasi mudo 4 bilood ah Ku sugna Dhuusamareeb,

Ciidamo aan tiro ahaan iyo tayo ahaan cidi ka warqabin oo ku sugan xarunta Inji ee U Ah madaxtooyadda Ahlu sunna, ayaa dagaal socday mudo 10 saac ah la galay ciidanka dawalada soomaaliya

Dagaalkan waxaa ku dhintay dad gaadhaya 15 qof sidoo kale dhaawac intaas ka badan ayaa jira,

Ahlu Sunna, ayaa dagaalkan ku dishay Taliyihii Haramcad ee Magaalada Dhuusamareeb ilaa hadana waxay Ahlu Sunna ku sugan tahay xarunteedii dagaalku ka bilowday 10 saac ka hor

Taageerayasha Nabad iyo Nolol, ayaa aad ula yaabay dagaalkan 10 saac ku qaatay dawlada somaaliya, iyo ciidankeeda kala duwan ee haramcad iyo gorgor kaaso la is waydiinaayo ciidamada dawlada ma Rooxaan ayaa la dagaalamaysa mise dawladu awooda Taliska Ahlu Sunna ee inji Ayaysan ka war qabin oo waxaysan filayn ayaa meesha kaga soo baxay.

Dagaalkan oo ahaa mid aan waxba la isku reeban islamarkaana wax tudhaale ah uusan jirin labada dhanba ayaa caawa iskii isu taagay waana dagaalkii ugu horeeyay ee ciidanka aad loo xayaysiiyo ee dawlada soomaliya la galan wax ka baxsan Alshabaab gaar ahaan maamulada ka soo hor jeeda siyaasad ahaan waxaana durbaba muuqda in fashil xoogan dagaalkan 10 saac socday ka soo wajahay ciidamada dawlada soomaalia,

Ciidamada Amisom ee Ka kala socda Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa ka ah Daawadayaal xasuuqa Ba’an ee Ka socda dhuusamareeb waxayna iska diiden in ay la saftan Ciidanka Dawlada ama la kala saftan Somali siyaasad isu dilaysa iyagoo warkooda kusoo koobay Sarakiisha Amisom””anagu Wixii argagixiso ah ayaanu u haysana Sharci inan Dagaal la galno dagaalkan dhuusamareebna waxaa nooga furan oo kaliya dhex dhexadin ” Taasina waxay keentay in Ciidanka dawada soomaaliya Dagaalku ku dheeraado waliba galabta gurmad kale looga keeno Xamar,

Isha ku hay wixii Soo Kordha Khaatumonews.com

 67 total views,  1 views today