Kulamo ilaa caawa ay la yeesheen Beesha Caalamku Madaxweyne Biixi iyo Gudoomiyeyaasha Axsaabta Mucaaradka ee Somaliland ayaa lagu gaadhay go’aamo xal loogu raadinayo Qabashada doorashooyinkii Somaliland ee Baarlamaanka iyo Deegaanka oo la qaban kari la’yahay.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Beesha Caalamka oo dhexdhexaadintoodu noqonayso tii sadexaad ayaa labada dhinacba hor dhigtay qodobada oo kow iyo toban ka kooban ayaa sadex kamid ahi yihiin kuwo toos u khuseeya xalinta khilaafka gudida doorashooyinka.

1:In todobadii xubnood ee hore dib loo soo celiyo.

2:In Gudidii Riyo raac ay ahaadaan xidhiidhiyeyaal ka shaqeeya fududaynta hawlaha komishanka kaga xidhma xukuumada.

3: In Beesha Caalamku sadex xubnood kusoo darto gudida doorashooyinka Somaliland.

Iyo In sannadkan 2020 ay ku qabsoonto Doorashooyinka Wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanka.

Qodobka saddexaad ayaa sida xoguhu tilmaamayaan waxaa codsaday Madaxweyne Biixi, ma’se jirto shaqo cayiman oo loo soo asteeyey kooxda riyo raac.

W/Q Abdirisaq Terra