Daawo:Fadeexad Gudoomiyaha Shirkada Hass Oo Kashifay Waxa Sababay Eeda Wasiir Qambi.

Gudoomiyaha Shirkada HASS ee Qaybteeda Muqdisho Cabdiraxmaan Yuusuf Khursoof ayaa Iska Fogeeyay eedaymo maanta usoo Jeediyay Shirkadda iyo Isagaba Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaalle Qambi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaanu isugu nimid Qambi magaalada Addis Ababa, wuxuu Iga codsaday inaan wax taro, Nasiib darro markaas gacanta waxba kuma hayn, Balse wuu iga cadhooday, Wuxuuna u dagaalamayaa oo Eedayntaas noogu jeediyey waa Shilinyar oo shaxaad ah” Ayuu yidhi Khurshoof.

Dhinaca kale Gudoomiye Khurshoof ayaa Fariin u diray Somaliland oo Wuxuuna sheegay inaanu Masuuliyad qaadi Karin Wasiir Qambi, Sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan leeyahay Somaliland, Ninka sidaas ah maxaad ka sugaysaan, Hadiiba Garashadiisu siisay inuu Shirkadihii deegaan eedaymo u jeediyo,  Inuu Xil idiin hayo oo matalo deegaankii uu ka yimid.” Ayuu yidhi.

“Hadii uu Cadayn nagu waayo, waxaan rabnaa inuu Xilkiisa ku waayo, Ninkaasi waa nin Kugu dilaya Shilin yar oo Shaxaad ah “ Ayuu raacliyey hadalkiisa.

 50 total views,  1 views today