Muuse Biixi oo Lama Arag Ku Dhigay Madax-dhaqameedka Habar Jeclo.

Salaadiinta Beesha Habar Jeclo oo mudo 3 bilood ah Hargeisa ku sugnaa ayaa u jeedkoodu ahaa Sidii ay Muuse biixi ula kulmi lahaayeen

Safarka odayaasha Habar jeclo ayaa salka ku haya inay Muuse Biixi kala hadlan Kursiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye siduu ugu soo wareejin lahaa oo habar Jeclo isu diyaarinaso haatan Si Jeegaantu mar sadexaad u fuusho muuse dabadii Kursiga,

Salaadiiinta iyo Wasiirada Beesha Habar jeclo ayaa guriga Xildhibaan Obaame ku kulmay 10/11/2019 halkaas oo wasiiradu u balan qaadeen in ay madaxwayne biixi salaadiinta balan ugu soo samaynayaan lakin balantaas baan gebi ahaanba suurto gelin.

waxaa marlabaad fooda laysku daray isla guriga Xildhiban obaame hal kaas oo salaadinta iyo wasiirada beesha Habar jeclo ay mar labaad ku kulmeen una balan qaadeen in ay madaxwaynaha balan uga soo sameeyaan lakin nasiib daro wasiiradii ayaa arintaa tahli kari waayey.

Shalay oo ay tahay 23/2/2020 waxay salaadiinta beesha Habar jeclo quus ka taagan yihiin sidii ay madaxwaynaha u arki lahaayeen ee arintii Xisbiga kulmiye wax uga waydiin lahaayeen,

Si kasta ha ahaate Muuse Biixi ayaa u muuqda inuu haatan dhabarka u jeediyay Beesha Habar Jeclo oo Kursiga ku saartay xaqdaro iyo jeegamaysi.

 52 total views,  1 views today