Madaxweyne Sidan Maaha Istaraaji Dagaal Ee Waa Khasaare Hagoogan.

Sawirkan waa ciidamada Dawlada Somaaliya ee mudada ka yar sanadka lagu soo siiyay Darbiyada Dalka Turkiga Tababarka.

Dalka soomaliya waa Burbursan yahay mana laha ciidanka soomaaliya Gaadiid dagaal sida kuwa cirka iyo dabaabadka gurgurta,

Dhulka gaar ahaan koonfurta soomaaliyana inta badan waxaa duurka ku jira Dhalinyaro la baxday alshabaab, mudo 15 sano ah ah kuwaaso aaminsan in ay nolosha isku qarxiyan oo Jano ku badashan Naftooda .

Marka xaalku saas yahay waxaa soomaaliya ku sugan Ciidamo Shisheeye ah oo isugu jira Amisom iyo American, kuwaaso aad u hubaysan,

Ciidamada Shisheeye kuma dhacan in Diyaarad shacab lagu qaado lana geeyo meel aysan iska sahamin waliba iyago bilaa sanad dagaal ah sababtuna waxay tahay waxay og yihiin ciidanka Shisheeye ee soomaaliya jooga xaqiiqda deegaanka iyo waxa ka jira in aysan ku halaagsamin waana taas sababta ay uga taxadaran in khasaare iyo fashil ka soo gaadho .

Madaxweyne Farmaajo iyo xukumadiisu waxay ku dhiiraden si laab lakac ah In Dhalinyaro mudo ka yar sanad lagu soo siiyay tababar Darbiyadda Dalka Turkiga inay diyaarad shacab leeyahay konton kontor, usaaran Deegaano ay 15 sano haysten alshabaab kadibna natiijada talabadaasi noqotay in Dhufayska loogu galo dhalintaasi oo la halaago.

Waxaa iswaydiin mudan siday suuro gal u tahay in Dhalinyaro aan hore dagaal usoo galin islamarkaana aan wadan Hubka culus ee ciidanka in diyaarad shacab lagu raro gaadhi shacabna lagaga guro kadibna Afar gaadhi oo cabdi bile ah inta loo geeyo la dhaho waxaa tihiin ciidanka qaranka soomaaliya ee iska Difaaca Cadowga.

Nin aan hore dagaal u soo galin islamarkaana aan haysan Dabaabadka gurguurka iyo kan cirka intaasna ay u dheer tahay inuusan aqoon U lahayn dhulka uu ku sugan yahay oo aan garan karin Jahada laga soo galaayo sideebu isaga celin kara dhalinyaro 15 sano duurka ku jirtay oo aaminsan in ay jano ku helayaan hadii ay naftooda ku qarxiyan ciidanka dawlada iyo kuwa shisheeyaha,?

Natiijada talaabada ay dawladu qaaday waxay noqotay Hoog iyo Halaag soo gaadhay dhalintaasi oo qaarna la qabqabtay qaarna la dilay kuwa kalana firxaden afartii gaadhi ee cabdi bilaha ahaana laga furtay iyo hubkoodii.

Ugu Danbayn isweydiintu waxay tahay sidani ma ka khimrad dagaalba dawlada soomaaliya mise waxay ka tahay waxba kama galin waxay shabab dilayan,

Khaatumonews.com

 60 total views,  1 views today