Madaxweyne Farmaajo ayaa u soo magcaabay Taliyaal Booliis maamul goboleed ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya. Allah ha u naxariistee dawladdii Siyaad Bare ayaa ugu danbaysay taliye Booliis iyo Gudoomiye Degmo ama gobol oo laga soo magcaabo madaxtooyada Soomaaliya.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Digreeto ka soo baxday Villa Soomaaliya iyo taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa isbadal lagula sameeyay taliskia Booliiska Galmudug iyo degmooyinka

Taliyaha Booliiska Galmudug ayaa loo magacaabey G/Sare: C/Kariin Xussen Macalin , Taliye xigeenka Booliiska Galmudug ayaa isna loo magacaabey G/sare Maxamed Nuur Cali .

Taliyaasha degmooyinka ee la soo magacaabey waxaan qayb ka ah Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb oo loo magacaabey Dhamme Burhaan Axmad Rooble ,

Isbadalka ayaa saameeyey Qaybaha Guud ee Gobolada Mudug , Galgaduud iyo Degmooyinka Dhuusamareeb , Caabudwaaq , Hobyo , Xeraale iyo Balamballe, sidokaale degamada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Waxaa xaqiiq ah in Madaxweyne Farmaajo si dhab ah ugu gudo jiro qorshihiisa ah in Koonfurta soomaaliya dhamaanteed ilaa puntland ilaa muqdihso looga taliyo Madaxtooyada lagana saaro Meesha maamul Beeleedyadda iyadoo ay tani ku xigi doonto in Gudoomiyaasha gobolada laga soo magacaabo Isla madaxtooyada soomaaliya,

Hadaad uhaysatay in Qoor Qoor iyo Lafta gareen kaga duwanaan doonan Deni iyo Axmed madoobe, Adeecidda Dawlada iyo lashaqaynteeda maaha saas xaalku ee waa magac uyaallo loo sii maraayo dhabada lagu tirtiraayo Fadaraalka.!

KHAATUMONEWS.COM