Daawo::Xasan Sheekh Iyo Farmaajo Oo Siyaasad ka Dhigtay Siyaad Barre Ayaa xasuuqay Isaaq Ee Raali Ahaada.

Madaxweynihii Hore soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, ayaa markii ugu horaysay waxaa danbi looga dhigay oo waliba uu ku qiray Madaxweyne Farmaajo inay danbi ahayd Difaaci dalka uu ka difacaayay Dhagar qabayaashii Muuse Biixi kamid ahaa. ee Kala jaraayay wadanka,

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ayaa danta ugu weyn ee u dusha ugu saaray Siyaad barre danbi uusan lahayn islamarkaana u raali galinaayay dhagar qabayaasha Waxay ka ahayd inay u noqoto Fiisaha uu Hargaysa ku galaayo balse maysan dhicin

Madaxweyne Farmaajo Siyaad barana Danbi ayuu dusha usaaray Hargaysana magalin!

Markii ay dhacday in uu Danbi ku qiro Madaxweyne Farmaajo Maxamed siyaad Barre oo ay isku ardaa ahaayen waxaa soo dhiiraday Madaxweynayaashii hore ee soomaaliya Sida xasan sheekh, oo qudbadii uu maanta Jeediyay si ka baxsan anshaxa ugu raftay Marxuum siyaad Barre.isagoo haya dhabadii Farmaajo baneeyay ee Raali galinta isaaq iyo danbi dulsaarida Siyaad Barre,

Siyaad Barre, ayaa danbiga loo sameeyay ee Farmaajo ku qiray ayaa ah maxaad u Difaacday Qaranimada soomaaliya oo u laysay kuwa kala jaraayay dalka ee la safta Itoobiyanka.

Si kastaba ha ahaate waxaa nasiib daro ah in madaxweynayaashii Hore dalka iyo kuwa hada talada haya ay siyaasad ka dhigtan Siyaad Barre ayaa xasuuqay Isaaq oo waliba fagarayaasha labaduba kaga doodan,

 45 total views,  1 views today