Dhulbahante Xamar, ma Isxambaar Ayuu ku tagaya 2021

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku saxiixay Sharciga Doorashooyinka heer Federaal.

Sharcigan uu qalinka ku duugay Madaxweyne Farmaajo waxaa uu dhigaya in Xildhibaanada ay soo dooranayaan shacabku iyagoo ku dooranaya Nidaamka Qof iyo cod.

Doorashadan Cusub ee Barlamaanka soomaaliya 2021 ayaa ka duwan kuwii hore waxayna samayn xoogan ku yeelan doonta xubnaha laga soo doorto SSC,

Markii Hore Xildhibaanada SSC waxaa soo dooran jiray isimada oo shaqsiga ay calmadan ku fadhiisin jiray Kursiga,

Deegaanka SSC marka laga reebo Buuhoodle waxaa uu gacanta ugu jira Beesha isaaq iyo maamulkooda iyadoo ay saas tahay hadana doorashadii 2017 iyo kuwii ka horeeyayba waxa dooran jiray oo soo xuli jiray 8 xildhibaan ee xamar ku matala SSC isimada iyago hayaan dheer ugala Garoowe si ay qalinka ugu duugan xubnaha deegaanka Ka soo jeeda,

Isweydiintu maanta waxay tahay Isim waxba dooran maaye Reer SSC ama dhulbahante xagay wax ku dooran doonan.?

Ma shacabka loo raraya Garowe? ma majeerten ayaa coden doona,? ma isxambaar ayay ku tagi doonan xamar?

Aad iyo aad ayaa la isku weydiinaya meesha dhulbahante ku dooran doono 8 xildhibaan kadibna kala jaan qaadi doono doorashada cusub ee Xukumada Farmaajo!

Markaad masiirkaga iyo Qadiyadada ku iibsato Mushahaar waa hubaal in Jadwalka Nololeed ee aduunku khalkhal weyn ka gali doono kadibna aadan ka fursan doonin in meelkasta aad kala timaado guuldaro.

Beesha Warsangali deegaankeeda dhamaan iyada ayuu gacanta ugu jira weyna awooda inay Si Xor ah u doortan Xubnaha umatalaya Fadaraalka ,Puntland sidoo kale Jubaland sidoo kale Galmudug Sidoo kale Hirshabeelle Sidoo kale Koonfur Galbeed lamid

.Ma Bu’alle iyo SSC ayaa isku meeqaam Noqonaya?

“caliyo  calaacal iyo way ciil ma bi’iyaane
Weligaa catow baad taqaan sida carruureede
Waad uun cabaaddaa siddii caamadoo kale ee
Caqli haddii aad leedahay wax baa la citibaarshaaye
Cindigaa wax laga fiiriyaa caynka ay noqone
Cudhka laguma soo dhego waxaan kuu cuntamihayne
Kaarshaa ciriiddii ku lumay caasiga ahaaye
Isaguba cagtii hore ma qabin col iyo laayaane ”

Waa Gabaygii Sayidku U tiriyay Cali Dhuux oo ahaa dhulbahante maanta ayay ugu soo dhacday.

W/Q Cartan Darwiish

KHAATUMONEWS,COM

 40 total views,  1 views today