Maxaa Shacabka Loo Waalaya” Garowe.Hargaysa Ka Dhow Kismaayana Hargaysa Ka Dhow’!

Madaxweynaha Dawlada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaan wali ka quusan Rajadii ahayd in Abiy Axmed u Xambaaro Hargaysa.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Raysal wasaaraha itoobiya ka codsaday in uu somaliland ku qanciyo inay Hargaysa wada tagan isaga iyo Abiy Axmed.

Qorshaha Farmaajo wali maaha mid uu ka tanaasulay iyadoo xita uu shalay Diidmo Qayaxan ku diiday Horjoogaha maamulka somaliland Muuse Biixi Cabdi safarka Hargaysa ee Madaxweyne Farmaajo,

Maanta waxaa Hargaysa yimid Axmed Shide, oo ah wasiirka maaliyadda itoobiya, oo qorshaha ugu weyn ee socdaalkiisu yahay in uu Muuse Biixi ku qanciyo Inuu Hargaysa yimaado Abiy Axmed oo xambaarsan Farmaajo,

Su’aasha is weydiinta leh ayaa ah madaxweyne Farmaajo muxuu shacabka u waalaya mise sidan waxay ka tahay Caqli oo waxaa uu aaminsan yahay inuu Hargaysa ka dagi karo.

Mudo badan waxaa uu madaxweyne Farmaajo isku dayay isagoo adeegsanaya Dawlada Mareykanka gaar ahaan Safiirka mareykanka Donald Yamamoto, inuu ku qanciyo Axmed Madoobe iyo Deni rabitaankiisa taasina ma suuro galin mudo badan oo safiirka mareykanka Donald Yamamoto isaga dabo noqday Kismaayo iyo Garoowe,

Mareykanka iyo Itoobiya waxaa samayn badan mareykan, Axmed Shide iyo Donald Yamamoto waxaa samayn badan Donald Yamamoto,

Ma umalaynasan in Axmed Shidde, ku qancin karo Maamul beeleed 30 sano Falaago ahaa inay isu dhiiban Xukumadda Madaxweyne Farmaajo iyadoo Donald Yamamoto oo dal awood leh kana magac weyn itoobiya ka socda uu ku qancin waayay Deni iyo Madoobe rabitaanka Farmaajo inay yeelaan,?

Mase tahay wax caqli gal ah in shacabka laga dhaadhiciyo Garoowe iyo Kismaayo oo aan siyaasad yar isku hayno waxaa ka dhow oo aan qancinaya Maamul beeleed Cadaawada iyo Ciil-qabka ay Somali uqaban la 30 sano jirsaday!?

Si kastaba Ahaate Heshiiskan Laga raadinaayo Somaliland waxaa uu Macno weyn yeelan laha oo La aaminilaha madaxweyne Farmaajo inuu ka yahay Daacad marka uu la soo heshiiyo kuwa ogol somalia ee Ay isku hayan Siyaasada laakiin tani waxay lamid tahay Shaydaankii xaabada guray ee Qaadi kari waayay ee hadana Xabada kale gurtay,

KHAATUMONEWS.COM

 50 total views,  2 views today