Maxaa Keenay In Dadka Ugu Badan Ee Aaminay Imaatiga Farmaajo ee Hargaysa ay Dhulbahante Noqdan?

tan iyo intii ay socotay hadal haynta ah In madaxweynaha Soomaaliya imaanaayo Hargaysa. waxaa jiray dad si gaar ah ugu Bas-beelay uguna xiiqay imaatiga madaxweyne Farmaajo ee Hargaysa.

Dadka ugu badan ee arrintan aaminay islamarkaana u durbaan garacaayay waxay u badnaayen dadka ka soo jeeda Gobolada SSC ama dhulbahante,

Hadaba waxaan rabna sababta keentay inay soomaali ka soo dhex baxan oo arrinkasi aad aaminaan waxa sababay,

Dadka SSC inta badan waa umada kaliye soomaaliyeed ee Qadiyadooda dhaafsada wax sahlan ugana tanaasula marka layaab malaha inay aaminan in Beesha isaaq ka tanaasulayso Go aankeedi 30 sano jirsaday.

SSC dadka ku nool waa Umada kaliye Masiirkooda uga tanaasula lacag ama khiyaamo loo dhigay.

Tusaale Maamuladii kala danbeeyay ee Kala Ahaa SSC iyo Khaatumo ee laga dhisay dhulka SSC dadkii madaxda ka ahaa waxay uga tanaasulen rabitaankoodii Qarash iyo wax lamid ah iyadoo Shacabku dawanaayo.

Hadaba Dhulbahantow dadku mawada aha sidaad mooden waxaana tusaale idiin ku filan lama soo helaayo reer soomaaliyeed oo dhulkiisa ama Qadiyadiisa uga tanaasulay lacag ama wax lamid ah.

In badan waxaad aragten Dhulbahantow ,Beello soomaaliyeed oo samaystay maamullo sida Kismaayo, Garoowe, Hargaysa, oo say uga tanaasulan qadiyadooda loo soo diraayo Wasiiro Safiiro iyo Beesha calaamka kadibna intuba ay ku guuldaraysanayaan inay ku qanciyan Maamul Beeleed-yada inay ka tanaasulan rabitaankooda beelaysa ugana tanaasulan cid kale.

Halka Beesha dhulbahante Goboladoodii iyo Qadiyadooda uga tanaasulen umad kale kadibna ay dhaafsaden Mushahaar.

KHAATUMONEWS.COM

 49 total views,  1 views today