Deg Deg::ilyaz Aadan oo Mag Ka Qaatay Ninkii Laga Reebay Qisaasta.

Garoowe{ Khaatumonews }Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, oo kamid ahaa saddexdii nin ee loo xukmay Kiiskii Caa’isha Ilyaas, balse laba kamid ah la qisaasay, ayaa la go’aamiyay  in la sii daayo, kadib markii ay kiiskiisa ka heshiiyeen labada qoys.

Labada dhinac, ayaa ku heshiiyay  in mag la siiyo qoyska dhalay gabadhii Yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden, islamarkaan  xorriyaddiisa dib loogu celiyo xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame,

Magta lagu heshiiyay oo ah 75 neef oo geela, ayaa Hashiiba lagu qiimeeyay $500 oo Dollar, waxaana isla goobta lagu bixiyay lacag dhan $25, 000 oo Dollar, taasi oo u dhiganta 50 Halaad.

Labada qoys ayaa sidoo kale isla gartay, in mudda saddex bilood gudahood ah lagu bixiyo, inta dhiman Magta oo ah 25-Halaad, taasi oo lacag ahaan ku qiimaysan $12,500 oo Dollar.

Dhinacyada oo wada-socda, ayaa Heshiiska ay wada-gaareen oo qoraal ah la wadaagay laamaha Garsoorka iyo Amniga dowladda Puntland, waxaana sidaasi lagu amray in la sii daayo Xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

 46 total views,  1 views today