Deg Deg Daawo:Deni Oo War Culus Kasoo Saaray Kulankii Uu La Qaatay Ismacil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada jubuuti kula kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulanka kadib Madaxweyne Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey, wuxuuna sheegay inuu u badnaa salaan, xogwareysi iyo in ay Jabuuti iyo horumarka ay gaartay soo booqdaan.

Waxaan marka hore u mahadcelinayaa shacabka, Xukuumadda iyo madaxweynaha Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waa oday Soomaaliyeed oo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dagaan sharaf, karaamo iyo taariikh ku dhex leh” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaa ugu muhiimsanayd in aan soo booqano, la tashano, guud ahaana Jabuuti horumarka ay gaartay u kuurgalno, kana codsano in wixii ay nalaqaban karaan Soomaaliya la qabtaan marxalad kasta oo ay u baahan yihiin”.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle ay isla soo qaadeen 20 guuradii ka soo wareegtay shirkii Carta iyo doorkii uu ka soo qaatay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna xusay in kaalintiisii ay wali taagan tahay.

Waxaan dib u milicsanay 20 guuradii ka soo wareegtay shirkii Carta oo ah waxa maanta Soomaaliya saldhiga u ah horumarka ay gaartay, waxaan wali ka rajeynaynaa in kaalintiisii aysan wali dhammaan oo loo baahan yahay” ayaa yiri madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyna Madaxweyne Deni, ayaa tilmaamay in horumarka dhaqaale ee ay gaartay Jabuuti ay wax badan uga dayan doonaan, wax badana iska kaashan doonaan.

 63 total views,  1 views today