War Deg Deg Ah:Xaalada Buuhoodle Oo Kacsan iyo Wararkii Ugu Danbeeyay.

Wararka naga soo gaadhay Deegaanka yeyle ee Gobolka sool ayaa sheegaya in Halkaasi ay soo gaadheen Ciidamo katiran somaliland oo ka Amar Qaatay Taliye Mahad Canbaaye Waxaana Wararku ay sheegaan in ku soo Jeedaan Deegaanka Carawayn ee Gobolka Cayn.

Deegaanka Carawayn ayaa haatan Waxaa ku Wada sugan Ciidamo ka Amar Qaata Somaliland oo Deegaanka ka soo jeeda oo horay ugu sugnaa iyo Ciidamada ssc oo Halkaasi Gaadhay Labo Maalin ka hor Waxaana Halkaasi haatan ku Qul Qulaya Ciidamada ssc.

Qof ku sugan Deegaanka Carawayn oo Diiday inaan Magaciisa Isticmaalo ayaana ii sheegay in Labada Ciidan ku kala sugan yihiin labada kaantarool Xaaladuna tahay Mid Ciidan.

Dhanka kale Maleeshiyaadka Somaliland ka amar qaata oo u badan beesha Reer hagar oo Ku sugan Buuhoodle oo Ku Hubaysan Gaadiid Dagaal ayaa Goor dhawayd Dhaq dhaqaayo Ciidan Buuhoodle Ka Bilaabay Waxaana Ciidamo farabadan oo Gaadiid dagaal Wata ay ka Baxeen Buuhoodle” Saraakiisha oo aan la hadlay ayaana Ka Gaabsaday inay Warbaahinta u sheegaan Halka ay ku sii jeedaan ciidankoodu.

16 bishan ayay ahayd markii shabakadda khaatumonews baahisay in somaliland qorshaynaso inay maleeshiyaad keento Deegaanka caroweyn islamarkaana la uu socdo duulaan ka dhan ah Buuhoodle.

 46 total views,  1 views today