Socdaalka Farmaajo ee Hargaysa Haduu Suuro Gallo Labo Qodob Filo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Raysal-Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa la filayaa in ay magaalada Hargeysa socdaal ku yimaaddaan toddobaadka danbe, sida ay ii xaqiijiyeen ilo-xogogaal ahi.

Socdaalka labadan mas’uul ayaa la sheegay in uu ka dhashay kulankii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Warar kale oo aan helayo ayaa iyaguna sheegaya in Baarlamaanka Somaliland ay arrintaasi fadhi iskaga iman doonnaan toddobaadkan.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Somaliland 30 sano kadib waxaa laga filan kara Labo qodob.

Qodobka Koobaad In Madaxweyne Farmaajo wado Aqoonsi somaliland iyo dhabadii ay ku heli lahaayen maamulkaasi aqoonsi,

Qodobka Labaad oo ah In Muuse Biixi Aqbalay oo lagu qanciyay 30 sano kadib Inay dib usoo laabtan islamarkaana halkaasi lagu xabaallo Riyadii 30 jirsatay ee Gooni isutaaga,

Guul iyo Guuldaraba Madaxweyne Farmaajo hadii uu Ka dago Hargaysa waa Dhabarjabka kuwii 30 sano ku lumiyay Dal gaar ah Ayaanu nahay,

Madaxweyne Farmaajo oo Ka daga Hargaysa Indhaha caalamka waxay u cadaynasa in maamul beeleedka SNM 30 sano kadib lagu qanciyay inay Dalkooda ku soo laabtan,

Madaxweyne Soomaaliyeed in uusan Marna caga dhigan Hargaysa ama Burco waxay ahayd Mid sii xoojinasay Maamulka somaliland islamarkaana indhaha caalamka tusaysa In maamulka Hargaysa go aan qarar ku taagan yahay,

30 sano kadib socdaalka Farmaajo ee Hargaysa waxaa uu muujinaya in Maamul Cadho ku maqna lala heshiyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wada qorshe ah In Dalkan Soomaaliya loo kala qeybiyo waqooyi oo maamulka somalialnd maamullo iyo koonfur oo dawlada soomaaliya maamusho,

Si kastaba ha ahaate Akhristow waxaadan ugu wareerin socdaalka Farmaajo ee Hargaysa haduu suuro galo ka soo qaad Nin gabadhii u qabay 30 sano ay dudmo ku kala maqnaayen oo ay hada kulmayan isago wata ergo xajadaasi waa qabis dhamaystiran ama waa fasax dhamaystiran,

 55 total views,  1 views today