War Deg Deg Ah:Dal Afrika ah Oo laga Helay cudurka Corona Virus

Masar ayaa waxa ay xaqiijisay kiiskeedii ugu horeeyay ee cudurka coronavirus dilaaga ah kaasoo ka dilaacay bartamaha Shiinaha dhamaadkii sanadkii hore isla markaasna tan iyo markaas ku faafay in ka badan laba iyo toban wadan oo aduunka ah.

Afhayeenka wasaarada caafimaadka Masar Khaled Mugahed ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in qofka laga helay cudurka uu yahay nin ajnabi ah oo aan muujin wax astaamo halis ah.

Bayaanka wasaarada ayaa lagu sheegay in qofkaasi la dhigay isbitaal isla markaana uu kujiray. Ma aysan cayimin qofka dhalashadiisa ama halka uu ka soo galay.

Dhanka kale Beijing ayaa waxa ay amartay in qofkasta ee ku soo laabanaya caasimadda uu is karantiilo muddo 14-maalmood ah amaba uu wajihi doono ciqaab, arrintan oo ah tallaabadii ugu dambaysay ee lagu xakamaynayo caabuqa cusub ee dilaaga ah ee coronavirus, warbaahinta dowladda ayaa sidaas ku warrantay.

Dadka deegaanka ayaa waxaa loo sheegay “inay is karantiilaan ama ay tagaan xarumo dadka lagu karantiilo” marka ay dib ugu soo laabtaan caasimadda Shiinaha fasaxa kaddib.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay Masar xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus ah ee lagu arko qaaradda Afrika.

In ka badan 1,500 oo qof ayaa u dhimatay caabuqaasi, kaas oo ka soo bilowday magaalada Wuhan.

 38 total views,  1 views today