Reer Waqooyi-gii Midnimada Soomaaliya U dhimanaayay Oo Dhabanka Gacanta Ku Haya!

Madaxweynaha Dalka soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee Dalka soomaaliya soo mara Tan iyo Burburkii oo ku qira Danbi Dawladii Maxamed Siyaad Barre islamarkaan raali galiya Dhagar qabayaal uu kamid yahay Muuse Biixi oo u tafaxaydna in Dalka la kala jaro.

Raali galinta Madaxweyne Farmaajo bxiyay waxaan leenahay isaga iyo aragtidiisa ayaan kusoo koobayna ee waxaan raba inan dul istaago in Kiradda xoogan ee Madaxweyne Farmaajo Ku Sameeyay Reer Waqooyiga Midnimada Soomaaliya u dhimanaya.

Madaxweyne Farmaajo waxaa u gaf xoogan kula kacay umada soomaaliyeed Gaar ahaan Goboloda Sool Sanaag Cayn Borama oo kamid ah Gobolada Waqooyi isagoo ku daray liiska uu raali galiyay ee Xasuuqa sheeganaya,

Farmaajo in uu gobolada waqooyi isku wada xambaaro waxay cadeen u tahay in uu Dafirsan yahay umada soomaaliyeed ee dagan dhulkaas ee habeen iyo maalin u dhimanaya Midnimada soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu isku gaadhi saaray Beesha isaaq oo doonaysa Gooni goosad, iyo Beelaha Dhulbahante, Samaroon Warsangali iyo Gabooye oo habeen iyo maalin u dhinta Midnimada soomaaliya islamarkaana taliska beesha isaaq ku dilaan,

Waxaa Layaab leh in xasuuqa gobolada Waqooyi ee Madaxweyne Farmaajo sheegay aan la Aqoon meesha uu ka keenay iyadoo shanta gobol ee waqooyi labo kamid ah oo beesh isaaq dagto mid kamid ah ay dawladii Siyaad Barre duqaysay hal Maalin iyadoo difaacaysa Qaranimada soomaaliya,

Sool.Sanaag,Borama Siyaad Bare ma xasuuqine Muxuu Madaxweyne Farmaajo Waqooyi dusha iskaga wada saaray?

Madaxweyne Farmaajo raali galinta aan macnaha lahayn ee Beesha isaaq uu udiray waxay muujinasa mar in uu Ku gafay Beelaha Dhulbahante warsangali Samaroon gooboye, oo dawladii siyaad Bare, aysan xasuuqin Mar kale waxaa uu ku gafay beelahasi oo u dhimanaayay midnimada soomaaliya ayuu isku gaadhi saaray iyaga iyo kuwii kala goynaayay dalka soomaaliya.

Shacabka Waqooyi ee midnimada soomaaliya udhimanaya waxay is weydiinayaan Hadii madaxweyne Farmaajo raali galiyay kuwii dalka kala jaraayay kuwii u dhimanaayay midnimada ma waxay kamid yihiin danbilayaasha laga raali galiyay Beesha isaaq ?

Beelaha iyo Shacabka badan ee Waqooyi ku nool ee Madaxweyne Farmaajo in kiray Dhabanada ayay gacanta ku hayan ilaa hada,

W/Q Cartan Darwiish

 45 total views,  1 views today