Ciidanka Jabhada SSC Oo La Wareegay Deegaanka Caroweyn,

Ciidamo hubaysan oo kamid ah Jabhada SSC ayaa Gudaha u galay Goordhaweydto Deegaanka Caro weyn ee Gobolka Cayn,

Ciidankan oo ku hubaysan Gadiidka Dagaalka ayaan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyaad somaliland u joogay Deegaankaasi.

Deegaanka Caroweyn oo udhexeeya widhwidh iyo Buuhoodle ayaa haatan gacanta ugu jira Jabhada SSC iyadoo ay meel aan saas uga fogayn ay ku sugan yihiin Maleeshiyaad somaliland halkaasi ku siin jirtay mushahaar.

Waa deegaankii ugu horeey Ee ciidanka Jabhada SSC kala wareegaan Maleeshiyaadka tirada badan ee sida beelaysan somaliland ugu Biisho deegaanada SSC,

Dhanka kale deegaanka waxaa aad looga dareemaya xiisad ka dhalatay soo galida ciidanka SSC soo galen Deegaankaasi.

Maleeshiyaadkii hore ugu joogay somaliland Deegaankasi ayaa wararku sheegayan inay Somaliland ka dalbaden Guirmad ciidan lama oga in maleeshiyaad kale loo soo diri doono iyo in kale.

 63 total views,  1 views today