C/wali Gaas ”Sool iyo Sanaag Hadii lagu daro Somaliland Dhibmalaha’

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in aysan waxba dhib ah laheyn in Somaliland ay qeyb ka noqoto Soomaaliyada cusub, isagoo sheegay in gobalada Sool & Sanaagna ay qeyb ka noqon karaan Somaliland katirsan dawlad gobaleedyada Federaalisimka ee dalka Soomaaliya.

“Mushkilad malaha haddii Somaliland oggolaato in ay Soomaaliya ka mid ahaato in lagu daro Sool iyo Sanaag, lakin waa in ay Somaliland oggolaato in ay noqoto dowlad-goboleed kamid ah Soomaaliya’

Qofka Hargeysa jooga xuquuq buu u leeyahay in uu dhaho waan go’ayaa lakin ninka Laascaanood joogaa ma rabo uu taas”ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in ay Somaliland mudo dheer sheeganaysay in ay ka go’oday Soomaaliya, balse ay hadda muuqaan ifafaalo muujinaya in ay Soomaaliya dib u midoobi karto, ayna taasi tahay talaabo muhiim ah.

 54 total views,  1 views today