War Deg Deg Ah:Wefti Ka Socda Mareykanka Oo Ku Wajahan Kismaayo Iyo Qorshaha Socdaalkooda,

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu wadahadallo kula leeyahay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sida ay ogaatay Khaatumonews.com Yamamoto ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, Stephen Townsend iyo xubno kale.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya kulan ay kala hadli doonaan Axmed Madoobe xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan xiisada Jubbaland kala dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac ay ka wada arrinsan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka.

Ammaanka Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoo qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdigaan laga dareemayo magaaladaasi.

 40 total views,  1 views today